Madaxweyne Silaanyo oo kaqaybgalay qallinjebinta labeentii koowaad ee jaamacadda loogu magac-daray Marxuum Tima-cadde

Filed under: Wararka |

Gabiley-(Aftahannews)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ayaa saaka u socdaalay gobolka gabiley socdalkaas oo u jeedadiisu ahayd inuu madaxweynuhu kala qaybgalo Jaamacada Timacade Gabiley oo ay ka qalinjebiyeen dufcadii u horaysay ee ka baxda jaamacadan timacade.

 Hadaba intii uu madaxweynuhu ku sii jeeday gabiley waxa uu jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Gabiley kala kulmay kumanaan dadweyne ah oo igu soo baxay wadooyinka isaga oo madaxweynuhu soo dhawayntaasi ka dib ku hakaday kana Khudbadeeyey Dooxa weyn ee Arabsiyo kaasi oo ay kumanaan reer Arabsiyo ahi ay buux dhaafiyeen barxada dooxa iyo darbiyadiisa.

halkaas oo uu madaxweynuhu uga sii gudbay gobolka gabiley oo madaxweynuhu intaan la  jidka u dhexeeya Arabsiyo iyo Gabiley ay ku soo dhaweeyeen qaybaha kala duwan ee ku dhaqan gabiley.

Intaasi ka dib madaxweynuhu waxa uu lug ku dhex maray jidka weyn ee Gabiley isaga oo farxada iyo soo dhwaynta aan xadidnay la qaadanaayey shacbiga qiimaha badan ee u muujiyey madaxweynaha iyo weftigiisa isu soo baxan ayaa ahaa mid aanu malayn karin ama aanu qiyaasi karin qof joogay mooye qof ka maqnaa.

lugtaasi ka dib waxa uu madaxweynuhu u sii dhaafay dhinaca Jaamacada Timcade halkaas oo uu madaxweynuhu la qaybsaday farxada qalinjebinta isaga oo madaxweynuhu la hadlay ardaydaasi iyo masuuliyiintii, waalidiintii iyo ka soo qaybgalayaashii madasha isugu yimid.

Madaxweynuhu wax auu shahaadooyin gudoonsiiyey ardaydii kaalmaha hore ka galay jaamacada iyo Faculty yadii ay ka tirsanaayeen Ardayda ka qalinjebisay maanta jaamacadan Timcade oo dhamayd 103 Arday.

Ugu danbayn madaxweynuhu waxa uu u soo kicitimay Guri Casri ah oo ay Gobolka Gabiley ugu talo galeen in uu ahaado Guriga Martida ee Gobolka Gabiley kaas oo laga dhisay koonaha magaalada oo ka kooban 4 Guri oo loogu talo galay martida qaybeheeda kala duwan iyo Guri kale oo weyn oo ku sii dhexyaal guryahaaso oo loogu talo galay madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland inuu ku soo dego caawa laga bilaabo isaga oo madaxweynuhu u dhaxay isaga caawaba.

Aftahannews.com

You must be logged in to post a comment Login