Hargeysa: Munaasibad Lagu Soo Bandhigay Guulaha Wasaaradda Duulistu Ka Gaadhay Horumarinta Ammaanka Madaarada

Hargeysa(Aftahannews) – Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa xalay lagu qabtay Munaasibad balaadhan oo waaxda ammaanka ee Madaarada Somaliland ku soo bandhigeen waxqabadka iyo guulaha ay ka gaadheen ammaanka Madaarada dalka, waxaana halkaasi lagu soo bandhigay dhukumantari ka hadlaya qalabka lagu baadho dadka ka dhoofaya ama ka soo degaya Madaarada dalka.

Munasibadda oo ay qayb ka ahayd casho sharaf lagu maamusay dadkii ka qayb-galay ayaa waxa Madaxa shaqaalaha Ammaanka ee madaarada Somaliland Mustafe Cabdi Xuseen (Mustafe Cabdi Dheere) ku soo bandhigay horumarka Madaarada dalka, gaar ahaan Madaarada Hargeysa iyo ka Berbera laga sameeyay saddexdii sanadood ee u dambeeyay, iyada oo sidoo kalena isbarbar dhigay uu ku sameeyay sidii uu ahaa Madaarka Hargeysa saddex sanadood ka hor.

 

DD

Mustafe Cabdi Dheere, oo ugu horeyn arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi “Run ahaantii saddex sanadood ka hor ammaanka Madaarada Somaliland waxa uu marayey meel aad u hooseysa, diyaaradaha isaga goosha Somaliland iyo Mandaqaduna dhibaato ayay ku qabeen, waxa kale oo dhibaato ku qabay dadka Madaarada Somaliland ka dhoofa, waxa iyaguna nidaamkaasi qadiimka ah dhibaato kala kulmi jiray shaqaalaha ka hawl-gala Madaarada dalka”

 

Madaxa Shaqaalaha Amniga Madaarada Somaliland, waxa kale oo uu sheegay “adduunku imika wuxuu culayska saaray in la hagaajiyo nidaamka amni ee Madaarada dalalka horumaray iyo dalalka Mandaqada Geeska Afrikaba, waxaanu halkan ka caddeynaynaa in Somaliland ka horumartay ama u dheeli tirtay ammaanka Madaarada Somaliland, kana hirgalisay nidaam ammaan oo la jaanqaadaya heerka ICAO ee caalamiga ah, isla-markaana horumar badan oo la taaban karo laga gaadhay” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Taasina waxay innagu soo xidhay diyaarado aan hore Somaliland ugu soo dhiiranin inay yimaadaan, sida diyaaradda Itoobiya, Al-carabiya iyo Kenya Airways oo bilaabi doonta duulimaadyadeeda Somaliland”

Mustafe Cabdi Dheere, oo isbarbar dhigaya hanaankii hore ammaanka Madaarada loo ilaalin jiray iyo wax la bedalka lagu sameeyay ayaa yidhi “barigii hore waxa wax loo baadhi jiray nidaam (Manual ah), nidaamkaasina muu ahayn mid diyaaraduhu kalsooni ku qabaan, waxa saldhig u ahaa Jabuuti oo dhoofayaasha Somaliland diyaaraduhu ka qaadaan mar kale loogu baadhi jiray, laakiin taa maanta hrumar badan ayaa laga gaadhay oo maanta ammaanka madaarada Somaliland waxa uu marayaa halkii ugu sareysay, waxaana la isticmaalaa qalabkii ugu dambeeyay ee adduunka laga isticmaalo”

 

Munaasibaddan oo sidoo kale ay ka hadleen xildhibaanno, Madax-dhaqameed iyo Masuuliyiin uu Guddoomiyaha SONYO ka mid yahay ayaa waxa soo gunaanaday Wasiirka Wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi, waxaanu amaanay dedaalka dhalinyarada ka hawl-gasha waaxda ammaanka ee Madaarada Somaliland, isaga oo tilmaamay in Wasaaradda duulistu horumar balaadhan ka samaynay arrimaha ammaanka la xidhiidha, isaga oo tilmaamay in shaqaalaha ka hawlgala madaarada Somaliland ay qaateen tababar aad u heer sareeya “Dawladda Imaaraadka Carabtu waxay hore noogu qabatay lix bilood inay joojin doonto diyaaradaha Somaliland ka taga, haddii aan la helin qalab lagu soo baadho dadka iyo shandadaha, taasina waxay kalsooni galisay adduunka aynu Macaamilo (Qalabka ammaanka ee Madaarada la dhigay)”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Tababar qiimo leh ayaa la siiyay shaqaalaha ammaanka, waxaanan u mahad-naqayaa dawladda Ingiriiska oo tababarka siiyay dhalinyarada, waxaana lagu tababaray heerka shaqaalaha ammaanka ee Madaarada Ingiriiska, dhalinyaradan waxa la geeyay Magaalada Addis-ababa si ay tababar dheeraad ah uga helaan, laakiin waxyaabihii cajiibka ahaa ee lanoo sheegay waxa ka mid ahaa in dhalinyaradeenu ka tababar fiicnaayeen kuwii ay halkaa ku kulmeen”