“Somaliland Dalka Inay Sheegato, Dadkeeda Xasuuqiisana Daawataa Socon Mayso, Isaaqna Isagaa Wax Kala Boobaya Oo Cid Kale Waxba Uma Oggola….”

“Somaliland Dalka Inay Sheegato, Dadkeeda Xasuuqiisana Daawataa Socon Mayso, Isaaqna Isagaa Wax Kala Boobaya Oo Cid Kale Waxba Uma Oggola….”

Puntland Oo Dagaal Kula Wareegtay Taleex, Laascaanood oo ay Ku Taamayso, Kala Cararka Kooxda Khaatumo iyo Aammusnaanta Somaliland

“Dadkan waa la laayay hiil iyo gurmad ayaanay u baahan yihiin. Somaliland dhulkeedii ayaa la haystaa intay joogtana waa loo soo socdaa….Dhulbahante waa la faquuqay waana la fogeeyay sidanna Somaliland ku ahaan maayo….”

“Dadka Hargeysa joogaa waxay yidhaahdaan Dhulabahante waa la…Nin wuxuu xaq u leeyahay la soo taagan wax ma la iiga ogol yahay waa qalad..Dhulbahante wada aaminsan yahay,laakiin si mugweyn oo hoose marna looma wada hadal……Dhaawac wuu jiraa Laascaanood la geeyay kollay kuwaasina Gurmad way…” Waraysi Gaar Ah: La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Gobollada Bari Fu’aad Aadan Cadde

Taleex(Aftahannews):- La-taliyaha gobollada Bari ee Madaxweynaha Somaliland, Fu’aad Aadan Cadde, ayaa dagaal labadii maalmood ee ugu dambeeyey ka socday magaalada Taleex ee ay kula wareegtay gacan ku haynta Puntland ee magaaladaas ku tilmaamay duullaan lagu soo qaaday Somaliland, isla markaana looga baahan yahay Somaliland inay dalkeeda difaacato oo ay dhakhso uga jawaabto dagaalka lagu qabsada Taleex oo ka tirsan gobolka Sool lagana qabsaday Kooxda la baxday Khaatumo oo markii hore gacanta ku haysay.

Fu’aad Aadan Cadde oo xilligan ku sugan degmadda Xuddun oo ka tirsan gobolka Sool, oo xalay Khadka Taleefanka ugu warramay Wargeyska Somalilandtoday, waxa kale oo uu ka hadlay qasaaraha dagaalka shalay ka dhacay magaalada Taleex uu geystay iyo tirada dhimashada ee uu warkooda hayo iyo waliba cidda xilligan gacanta ku haysa magaalada Taleex.

La-taliyaha gobollada Bari ee Madaxweynaha Somaliland, Fu’aad Aadan Cadde, ayaa sheegay in faquuq iyo caddaalad-darro uu sheegay in Beesha dhexe ee Somaliland ay kula kacday Beelaha Darafyada Somalilalnd oo uu tilmaamay inaanay cid kale waxba u oggolayn, isla markaana ay kelidood wax kala ridanayaan, dadka kalena ay dulmiyeen.

“Puntland, ayaa weerar qaawan oo gardarro ah ku soo qaadday dadkii Shicibka ahaa ee deggenaa magaalada Taleex ee gobolka Sool, waxaana halkaa ku dhintay intaan ogahay ee aan immika warkooda hayno 11 Nin oo dhammaantood Shicib ah oo ay laayeen Ciidanka Puntland ee weerarka soo qaaday oo dad shicib ah u adeegsaday quwad Ciidan iyo Tikniko aad u fara badan, dad badanina way dhaawacmeen maatidiina wey qaxday oo waa la bara-kiciyay.” Sidaa ayuu yidhi Fu’aad Aadan Cadde oo ka hadlayay dagaalka ka dhacay shalay degmadda Taleex iyo qasaaraha uu geystay.

“Marka hore waxaa dagaalka sababay Khaatumo oo doonaysay inay shir qabsadaan ayuu ninka la yidhaahdo Cabdisamad Cali Shire oo Madaxweyne Ku-xigeen ka ah Puntland oo wata Ciidan laxaad leh iyo Tikniko fara badani weerar ku soo qaaday, waxaanu halkaa ku laayay oo uu hub culus iyo rasaasba ku xasuuqay dadkii shicibka ahaa ee magaalada deggennaa oo aan hubaysnayn.”

Fu’aad Aadan Cadde oo ka hadlayay Dawladda Somaliland iyo waxa la gudboon xilligan colaadu ka taagan tahay degmadda Taleex waxaa uu yidhi; “Dadkan waa la laayay waana lagu soo duulay gurmad iyo hiil ayaanay u baahan yihiin, Somaliland-na waajibbaa ka saaran inay dadkeeda difaacdo oo ay ka ilaaliso cadawga ilayn dadkan magac dawladeed ayaa lagu laayay iyagana waxaa u dawlad ah Somaliland markaa waxaa laga sugayaa waa inay dadkeeda lagu soo duulay difaacdo.”

La-taliye Fu’aad oo la weydiiyay mar haddii Maamulkii Khaatumo ee Taleex ku sugnaa aanu hore-ba Somaliland u oggolayn halka ay immika oo Khaatumo iyo Puntland is dileen ay ka soo geli karayso, ayaa ku jawaabay; “Arrintu maaha waxaa is dilaya Khaatumo iyo Puntland. Laakiin, waa dagaal lagu soo qaaday Somaliland oo qaybo dhulkeedii ka mid ah lagu qabsaday, isla markaana loogu soo socdo inta kale ee ay ku sugantahay haddii aanay tallaabo qaadin oo aanay imika dadkeeda difaacin. Laakiin, socon mayso in Somaliland ay dhulka sheegato dadkeedii oo la xasuugayana ay eegato, dhulbahantena sidaa Somaliland ku ahaan mayo, waayo? Waa la dulmiyay oo la faquuqay oo aan waxba loo qaban.”

Fu’aad Aadan Cadde oo ka jawaabayay su’aal nuxurkeedu ahaa hadday eedaynta uu sheegayaa ay jirto waxa uu uga hadli waayay mar hadduu yahay La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee gobollada Bari; waxaanu ku jawaabay; “Horta, Dhulbahante meel kasta ha joogo ama Khaatumo ha sheegto ama Waraabe ha sheegtee wuu og yahay inuu Somaliland yahay, midna wuu ku qaldan yahay oo nin wuxuu xaq u leeyahay la soo taagan maxaa la iiga oggol yahay? Waa qalad Dhulbatante wada aamminsan yahay. Midna waxaa weeye Isaaq oo aan cid kaleba waxba u oggolayn oo isagu is-boobaya, oo intuu wax walba qaatay kala ridanaya oo kala boobaya beelaha kalena aan waxba u oggolayn. Waxaad maqlaysaa iyadoo Beelihii kale ee la sinnaa ee dalka la lahaa la dulmiyay oo haddana lagu leeyahay maanta waxaa cadhooday jilib hebel iyo Ardaa hebel oo ka mid ah raas yar oo Isaaq ah oo waxaa la siinayaa Wasiir iyo Agaasime.”

“Markaa, Isaaq cidna waxba uma oggola isna waakaa is boobaya, intaana waannu sheegaynay oo waxba lagama qaban, Dhulbahantena waa la faquuqay oo waa la fogeeyay oo maanta dadka Hargeysa jooga waxay yidhaahdaan markaad tidhaahdo Dhulbahante ka warrama waa la eryay. Laakiin, ama halla eryo ama isagu ah dudee waxaa jirta horta Somaliland waxaa la eegayaa siday maanta dadkeeeda la xasuuqay ugu soo gurmato iyo waxay ka yeesho. Waxaana loo baahan yahay in si hoose loo wada hadlo oo xaqiiqda la taabto Isaaqna dadka kale wax u ogolaado oo aanu ku mashquulin is boobka dhexdooda ee beelaha kale qadiyay.” Sidaa ayuu yidhi Fu’aad Aadan Cadde oo xalay waraysi gaar ah khadka taleefanka ku siiyey Wargeyska Somalilandtoday isaga oo ku sugan degmada Xudun ee gobolka Sool.

Xigasho Wargeyska Somalilandtoday.