Horaa looyidhi geel rimay ninkii sugaa raagsada.!!

Waxaa layidhi nimbaa beri wuxuu jeclaaday dhaqanka soomaalida iyo quruxda geela kadib ninkan markii ay soomaalidu u amaaneen dhaqankooda iyo quruxda geelooda isna wuu ku qancay Kadib wuxuu arkay sida ay somalidu geela u ciseeyaan isna wuxuu go’aansaday in uu geel iibsado oo uu dhaqdo.
Intaa kadib wuxu soomaalidii joogtay markaa u sheegay in uu doonayo inuu geel dhaqdo wuxuuna ku yidhi sidan wuxuu yidhi iib iyo caaqibaba midkuu doono hanoqdeee geel aan dhaqdo ayaan doonayaaa. Hadaba somalida waxaa u caado ahayd qofku markuu cayni qabad doonayo geel aan curan ama aarana ama qaalin ah ayaa sitanka neefkan illaahay ku abuuray uu u wada helo qaalmaha loo iibsan jiray. somaliduna waxay odhanjireen shandhal geel nin lihina maquudho nin lasiiyayna maqaato. kadib ninkii waxaa laga iibiyay hal ama nefgeela oo qaalin ah oo uguba kadib ninkii mudo markuu haystay qaalintiiyaraydna waxba ay hore u dhali wayday wuxuu dadka waydiin jiray goormay hashaydu dhalaysaa? waxaa loogu jawaabi jiray hashaadu ma’iyadaa rimanba mudo markii ay siidii ahayd ee uu isna raagsaday ilayn nin inuu ku faano sida somalida doonaya ayuu ahaaye oo uu caano ka cabo ee. ninkii maalintii dambe isagoo yaaban ayaa lagu yidhi hashaadii imikay hadaba rintay imika inay dhasho ayuunbaa u hadhsan. hashii imikuun rintay sidiiyooy beri dhalayso ayaa wuxuu yidhi goormay dhalaysaa waxay ku yidhaahdeen ninkaan dhamanin mawd uunbaa kadhaw ninkii oo hashii mudo dheer ku qaadatay inay dhasho hada samirkiina ku yaraaday hadana aan waxba ka aqoon sidka geela iyo intuu ku dhalo toona. waxaa kaga siidarayd markii lagu yidhi imkay rintay. isna gaawahaabu soo cushay caanana u diyaar garoobay.!! hashii hadaba madhalaysaaba tiihoreba tanaa kaga daran uu maalinkastaba gaadhka ka hayo sidkii geela oo 13 bilood ah ninkiina quusbaabu sii joogsaday oo uu yidhi harintay ku lahaayeen sowtan dhaliba wayday een intaasoo bilood ilaalinayay . ninkii oo aaminay waxani inaanu ahaynba wax dhalaya oo yaaban . ayay maalintii dambe hashii foolatay isagu mana fahansana inay hashani maanta foolanayso. Sidii caadada horaba ugu ahayd isagu wuu idka daba socday waanu ilaalinayay uun. !!! hadaba ninkii isagoo gudin uu sitay geed ku goynaya ayumbuu xagii hasha soo jaleecay indhahana qac ku siiyay nirigtii yarayd oo badhna soo jeedo inna wali ay caloosha hooyadeed ku jirto.

shafeec

ninkii wuxuu isyidhi wixii waydhalaysaa lagu lahaa sowtan sawtan imikuun sii galaysa meesha .!! waxaad intaasoo sanadood aad sugay ee imika siigaysa goormay kasoo noqon ooy dhalandoontaa cadho intay qabatay oo uu cirkaa maray ninkii ayuu gudintii iskula siidaayay kadib nirigtii oo soo laalaada una haysto ianay imika sii galayso ayuu qaaduu badhtanka kuu dhuftay gudintii bartii uu ku kala jaray dhimatay nirigtii hashiina ilmo wayday isna caano beel dadkii ayaa u yimid isagoo qaylinaya oo lagu soo yaacay waarmaxaa ku helay.!! wuxuu yidhii  Maxaa iiihelaydee Sowtan waxaan intaasoodhan sugayay imikuun siigalaysa maaha.!! Anna gudintaasaan ku kala jaray.!! Sabab ayaa lagu yidhi.?? Dee goormay soonoqonbuu yidhi sowtan imikuun siigalaysa..!! Hadaba samirdaradu waa cadawe wax hala hubsado ayaan odhanlahaa.!!  (Salaamu calaykum saaxiibayaal.!!)
By” Abwaan Maxamed Shafeec Axmed “Abwaan Dhismenoole”