Madaxweyne ku-xigeenka oo Burco ka furay Mashruuc ku dhawaad Laba Milyan oo Doollar ku baxday

Burco(Aftahannews):- Madaxwayne ku Xigeenka Somaliland Md Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaacil (Saylici), ayaa maanta Xadhigga ka Jaray Kawaan Cusub oo Casri ah oo laga hirgeliyey Gudaha Magaalada Burco, kaas oo Lagu qali doono Xoolaha.

Kawaankan oo Hab-casri ah loo dhisay, loona qalabeeyey, dhismihiisuna socday Muddo sannad iyo Badh ah, ayaa sida la sheegay waxa ku baxay Adduun lacageed oo gaadhaya $1,700,000 (Hal Milyan iyo Todoba Boqol oo Kun) oo ay bixisay hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee FOA, waxaanu noqonayaa Kawaankii labaad ee Noociisa laga sameeyo Dalka, marka laga yimaaddo magaalada Hargeysa oo dhowr sanno ka hor laga hirgeliyey Kawaankan oo kale. Munaasibad ballaadhan oo loo sameeyey xadhig-ka-jarista Kawaankan, ayaa waxa ka soo qayb-galay Wasiirrada Wasaaradaha Beeraha, Xannaanadaha Xoolaha, maamulka degmada iyo Kan Gobolka Togdheer, Masuuliyiin kale iyo Marti-sharaf kale oo isugu jirtay Madax-dhaqameed iyo dadweyne Kale.Saylici-300x200

Ugu Horayn, waxa Munaasibadaasi ka hadlay Maayarka Degmada Burco Maxamed Yuusuf Cabdi (Muraad) oo Sharaxaad ka bixiyay Qaabka uu u dhisan Yahay Kawaankan iyo sida uu u shaqayn doono waxanuu yidhi, “Waxaan la Wareegaynaa Kawaan Casri ah Oo Lagu Qali-Doono Xoolaha Nool Oo ay Dhistay Haayada Calamiga ah Ee FOA. Runtii aad iyo aad ayaanu uga Mahad-celinaynaa Kawaankani Casriga ah,waxaan Cadaynayaa inuu Kawaankani yahay midka Ugu Casrisan Kawaanada ka Jira Somaliland, dawlad Hoose ahaana Waxaanu Diyaar u Nahay in Aanu Dhankayaga ka Howlgalno Sidii Uu Kawaankani u Noqon-Lahaa Mid Caalamiya.”

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdilahi Ismaaciil (Saylici) oo xadhig ka jarista ka dib ka hadlay munaasibadaas, ayaa bulshada u soo jeediyey in ay ka faa`idaystaan kawaankan cusub ee loo dhisay isla markaana ay ilaashadaan.

Waxa kale oo munaasibadda ka hadlay wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr Cabdi aw-Daahir, Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Axmed Cumar X. Cabdilaahi iyo masuuliyiin ku hadlayey masgaca hay`ado gacan ka gaystay dhismaha kawaankan casriga ah, kuwaas oo dhammaantood ku dheeraaday dariiqii dheeraa ee loo maray hirgelinta dhismaha Kawaanka iyo muhiimadda uu u leeyahay caafimaadka iyo daryeelka hilibka.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.