Somaliland oo heshiis la saxeexatay Ingiriiska iyo Dernmark

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa heshiis horumarin ah la saxeexday wufuud ka socday dalalka Ingiriiska Iyo Dermark, waxaana heshiiska joogay safiirrada labadaa dal u jooga Nairobi.

Heshiiskan oo khuseeya mashruuca sanduuqa horumarinta Somaliland oo a iska kaashanayaan labadaasi dal, ayaa heshiiska ka dib waxa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, waxaanu yidhi “Halkan waxa lagu kala saxeexday heshiis ka dhexeeya Somaliland iyo dalalka Ingiriiska iyo Denmark, hawshana waxa maamulaya DFID iyo DANIDA, waxaad arkaysaan in adduunku inagu aaminayo inaynu lacaga maamuli kareyno.”

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta qaranka Somaliland Dr Sacad Cali Shire, oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Sanduuqan oo la yidhaahdo sanduuqa horumarinta Somaliland, waxa iska kaashaday labada dalka ee Ingiriiska iyo Denmark, sanduuqu wuxuu ku bilowday $ 52 Malyuun oo dolar, Ingiriisku shan Milyan oo kale ayuu ku soo daray, waddamada kale ee aynu saaxiibka nahay waxaanu rejaynaynaa inay ku soo biiraan haddii Alle yidhaahdo, sanduuqan waxa wada maamulaya guddi wada jir ah oo deeq-bixiyaasha ah, laakiin kan innaga ayaa go’aaminayna.”u_117130d_2013-11-28-11-17-46f_1476659_483427531771105_337497868_n u_117130d_2013-11-28-11-17-22f_1471959_483427391771119_535564561_n

“Waxa go’aaminaya waxyaabaha inoo mudan guddida horumarinta qaranka, sanduuqan waxa sanad walba laga maalgalinayaa waxyaabaha aanu u aragnay inay inoo mudan yihiin sida beeraha, xoolaha, biyaha, deegaanka iyo jidadka, waana halbowlayaasha, mashruucuna waa mashruuc afar sanadoood ah,”ayuu yidhi Wasiirka Qorshayntu.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.