Hay’ado Cambaareeyey Maxkamad Xukuntay Gabdho Yar-yar oo reer Masar ah

ahira(Aftahannews):- Kooxaha u dooda Xuquuqda Aadamaha ee dalka Masar, ayaa cambaareeyay xukun ay Maxkamad ku taalla Masar ku ridday koox Dumar ah oo dibed-baxay ka qayb-qaatay.

Kooxda Haweenka ah oo u badan Gabdhyo yar-yar, ayaa la sheegayaa inay ka qeybqaadanayeen muddaaharaadyo lagu taageerayey Madaxweynihii xilka laga qaaday ee Masar, Maxamad Mursi oo hadda Xabsi ku jira.

Dumarkan oo ay ku jireen Gabdho aad u yar-yar, ayaa waxay ku dibed-baxayeen magaalada Aleksandhriya muddo bil ah ka hor. Maxkamadda ayaa sheegtay inay ku heshay dambi ah inay hantida guud kharribayeen.

Dumarka ayaa ku dooday in dibed-baxyadoodu ay ahaayeen kuwa u dhacayay si nabadgelyo ah. Tallaabadan ayaa loo arkaa inay astaan u tahay keli-talinnimada dowladda cusub ee Millaterigu taageero ee dalka Masar. Hay’adaha u dooda xuquuqda Aadamaha qaarkood ayaa arrintan ku tilmaamay Waalli aan loo dulqaadan Karin.

Qoys reer Masar ah oo BBC-da la hadlay, ayaa sheegay in Gabadhooda oo 15 jir ah ay ku jirto dadka la xidhay ee Maxkamaddu xukuntay, waxaanay sheegayaan inay maraysay meel u dhaw halka ay ka socdeen dibed-baxyada marka la xidhayey ee Ciidammada ammaanku qabteen. Taageerayaasha Mursi, ayaa dibed-baxyo dhigayay tan iyo bishii July, xilligaas oo Millaterigu xukunka kala wareegay.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.