Puntland oo Taleex qabsatay, Kooxda Khaatumo oo la baacsaday iyo Somaliland oo afka ka xidhatay

Ceerigaabo(Aftahannews):- Ka dib dagaallo u dhexeeya malleeshiyooyin kazoo wada jeeda gobolka Sool haseyeeshee kala taageersan siyaasadaha Khaatumo iyo Puntland maalintii shalayto ka bilawday Degaannada Taleex oo katirsan gobolka Sool, sida lagu faafiyey Shabakadda Waaheen.com oo aannu warkan ka soo xigannay caawa.

Waxa xalayto dhinaca magaalada Garoowe kazoo ambabaxay M/weyne-kuxigeenka Puntland C/samad Cali Shire oo wata gaadiidka teknikada iyo ciidanka PS-ta loo yaqaanno. Waxana Generaal-C/samad iyo ciidankiisu weerar ku galeen gudaha magaalada Taleex oo ilaa xalayto uu ku sugnaa Col-Indhasheel iyo ciidan-beeleedka dhiniciisa taabacsan ee uu hoggaaminayo. Halkaas oo ilaa hadda gacantooda ku jirta.

Col-Indhasheel iyo ciidankiisa oo iyaguna ku war helay duullaanka C/samad Cali Shire iyo ciidankiisa ayaa waxay halkaas uga bexeen ayaa waxay Taleex uga bexeen dhinaca buuraleyda galbeedka.

Waxana weerarka ciidanka Garoowe kaga yimid Taleex ku galeen sda inkastoo aan xaqiiqada welila helin wararka aannu ilaa imminka helnay sheegayaan ay ku geysteen khasaare dhimasho ilaa (11) qof iyo dhaawacyo aan tiradooda la sheegin iyo khasaarayaal kale. Sidoo kalena guryaha Taleex ciidankani ka baadhayaan hub iyo ciidammo halka magaaladana koontadii ka maqan tahay caawa.

Dhinaca kalena Col-Indhasheel iyo ciidankiisa ka baxay Taleex ayaa wararku sheegayaan in ay buuraleyda kaga daba tageen ciidan-beeleedyo kale oo uu hoggaaminayo Axmed-karash kuwaas oo ilaa shalaytoba dagaallo goos-goos ahi degaannadaas ku dhexmarayeen ciidan=beeleedkan Col-Indhasheel wato

Halkaasoo sida la sheegayo dagaal kulul oo dhex maray kaddib Col-Indhasheel iyo ciidankiisa loo eryadey dhinaca degaanka Laasacurdan Taasoo wararka ugu danbeeyeyna sheegayaan in fiidnimadii caawa ay God-aalo uga sii ambabexeen dhinaca hawdka/Buuhoodle iyagoo halkaas (god-aalo) inta la hubo kaga tegey hal nin oo dhaawac ah.

Sikastaba ha ahaatee dagaalladan ka bilawday degaannadan gobolka Sool oo ay kala hoggaaminayaan saraakiil iyo madax sar-sare oo dhammaantood isla beeshan kazoo wada jeeda ayaan la saadaalin Karin halka ay sal dhigi doonaan iyo saamaynta xaaladdan cakirani ku yeelan doonto bulshada isku haybta ah ee dagaal-beeleedyadani ka dhex qarxeen.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.