IGAD oo wer wer ka muujiyey Macaluul iyo Cudurro ka dillaaca Puntland

IGAD oo walaac ka muujiyey Macaluul iyo Cudurro ka dillaaca Deegaannada Duufaantu ku dhufatay ee Puntland

Addis Ababa(Aftahannews):- Urur-goboleedka IGAD, ayaa walaac ka muujiyey Macaluul baahsan iyo cudurro ka dilaacaan deegaannadii dhawaan ay duufaanta Roobabka iyo barafka wadataa ku dhufatay ee Puntland.

Sida lagu baahiyey barta Internetka ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya maanta, Wasiirka Caafimaadka ee Puntland Cali Cabdi Warsame, ayaa sheegay in duufaantaas oo ku dhufatay dhulka hoose ee gobollada Nugaal iyo Xaaffuun ee Puntland ee dhinaca Xeebta ay ku dhinteen dad ay tiradoodu kor u dhaafayso 140 qof, halka 300 qof oo kalena la la’yahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen, iyadoo ay deegaamada ay sida ba’an duufaantu u saamaysayna ay ugu daran yihiin dhulka reer-guuraaga oo ay khasaare xooggan u geysatay xoolihii ay dhaqanayeen.

Warku waxa uu sheegay in deegaamadaas ay ka jiraan cudurro ku dhacaya dadka oo sii badanaya, kuwaas oo ay sababayaan biyaha wasakhaysan kaidcxb markii ay ceelashii dumeen, xoolo badanina ay ku bakhtiyeen aagaggii biyaha. “Roobab waaweyn oo wata baraf, dabaylo, daadad, dhoobo ayaa gooyey waddooyinka, galay guryaha, masaajidada, iskuulada oo waliba baabi’iyey beerihii, dejiyey doonyihii kalluumaysiga.” sidaa waxa yidhi Xoghayaha fulinta ee Urur-goboleedka IGAD.

Waxaanu tilmaamay in la aqbalo codsiyada ay dawladda Soomaaliya u jeedisay Hay’adaha gargaarka. “Marka la eego baaxadda saamaynta daadadka, awoodda xaddidan ee daawladda Somalia, waxa aniga oo ku hadlaya afka IGAD, aan ka dalbanayaa dawladaha deqda bixiya, dawladaha xubnaha ka ah IGAD, hay’adaha gargaarka binu-aadannimo, kuwa caalamiga ah iyo kuwa gobolka, waxaan ugu baaqayaa inay jawaab degdeg ah oo togan ka bixiyaan baaqa ay samaysay dawladda Soomaaliya.” sidaa waxa yidhi Justin Brady oo ah madaxa hay’adda OCHA, xafiiskeeda Soomaaliya.

Waxaanu xusay in uu aad ugu faraxsan yahay isku-xidhnaanta adag ee gargaarka ay isku fidinayaan dadku iyo masuuliyiinta Puntland, taas oo si degdeg ah ay gargaar u gaadhsiiyeen ku dhawaad 30,000 qof oo ay saameysay duufaantii ku dhufatay 11-kii bishan November.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.