Ibraahin Dhaga-weyne oo si adag uga hadlay cabbudhin uu sheegay inay Xukuumadda Siilaanyo ku hayso Mucaaradka

Hargeysa(Aftahannews):- Ibraahin Cabdillaahi Xuseen (Dhaga-weyne), ayaa Mucaaridka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ugu baaqay inay Xukuumadda muujiyaan sida ay uga xun-yihiin, isla markaana uga soo horjeedaan tallaabo uu sheegay in Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe Axaddii toddobaadkan loogu diiday in lagu soo dhaweeyo gudaha garoonka diyaaradaha ee Hargeysa.

Sidaa daraaddeed-na waxa uu ugu baaqay inay weyn oo muuqata u soo dhaweeyaan Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo Arbacada dalka imanaya. Ibraahin Dhaga-weyne oo ah Afhayeenka Siyaasiyiinta ku bahoobay Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka waxa uu sidaa ka sheegay mar uu maanta ka hadlay Shir Jaraa’id oo ay Siyaasiyiinta Madashu ku qabteen magaalada Hargeysa. “Magaalada Hargeysa oo dhami waa tii dhaqaaqday maalintii uu ina Rayaale (Xukuumaddii Rayaale) tidhi kama soo degayo Madaar Hargeysa Axmed-Siilaanyo, maanta Cabdiraxmaan-Cirro ayaa soo degayee Hargeysa wixii Mucaarid ahi waa inay dhaqaaqaan oo ay garoonka tagaan meesha innaga ayaa u dhiibannaye Hooyadood ugamay dhimanne.” Sidaa ayuu yidih Mujaahid Ibraahin Dhaga-weyne.

Dhaga-weyne waxa uu dadweynaha u soo jeediyey inay jawaab cad ka bixiyaan in Xukuumaddu u diidmo in garoonka Hargeysa lagu soo dhaweeyo Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland ka jira, waxaanu yidhi; “Waxaan leeyahay ummaddu jawaab cad haka bixiso oo ha muujiso dareenkeeda oo halla

wada tago oo aynu tagno Madaarka Hargeysa bal ninkii loo diidayo iyo ninkii leh aynu aragnee.”

Geesta kale, Ibraahin Dhaga-weyne, waxa uu ka hadlay safar uu Hargeysa maalmihii u dambeeyey ku joogay Safiirka dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, waxaanu yidhi; “Waxa Hargeysa yimid Safiirkii Turkiga oo doonayey inuu qunsuliyad ka furo Hargeysa, waana min subxaanalle in Madaxweynaheenni uu Safiirkii Xamar halkan ku qaabbilo, Aduunyada kale way innaga warwareegi jirtay oo Itoobiya ayaa Safiirradooda laynoo soo Diri jiraye, taasi waxay caddaynaysaa in Madaxweyne Siilaanyo aqbalay inay Somaliland noqoto substation, markaa waa in Qarannimada Somaliland dib laysu weydiiyo.”

Waxa uu sheegay Dhaga-weyne inuu ogyahay in Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ka soo degeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera, isla markaana Madaxtooyada Somaliland dhabarkeeda lagu qarinayey, si taas iyo waxyaabaha la midka ah looga hor-tagana waxa uu bulshada ugu baaqay inay sameeyaan muddaharaadyo ay kaga soo horjeestaan arrimahaas. “Ummaddu inay ka aammusto maahee waa inay ka mudfaharaaddaa.” ayuu yidhi Dhaga-weyen.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.