Wadahadal dhex-maray Masuuliyiinta Xisbiyada Muxaafidka ah ee Somaliland iyo Ethiopia

Addis Ababa(Aftahannews):- Masuuliyiin ka tirsan Xisbil-xaakimka KULMIYE ee Somaliland, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, halkaasoo ay booqasho rasmi ah ku tageen shalay, ka dib markii ay marti-qaad ka heleen Xisbiga talada dalkaas haya ee EPRDF.

War-Saxaafadeed uu caawa soo saaray Xoghayaha guud ee Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa lagu sheegay in Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Xoghayaha guud ee Xisbigaas Xasan Siciid Yuusuf oo booqasho ku jooga Addis Ababa ay kulan la yeesheen Madaxda Xisbil-xaakimka Itoobiya ee EPRDF.

wefiga-oo-la-soo-dhaweynayo-300x200

Qoraalka War-Saxaafadeedkaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Shabakaddda wararka Berberanews ee magaalada Hargesya, ayaa u dhignaa sidan:-

“Shalay (25 Nov 2013) waxa ka dagay gegida diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE Mud. Muuse Biixi Cabdi oo uu weheliyo Xoghayaha Guud ee xisbiga Xasan Siciid Yuusuf. Masuuliyiintan ka socotay Somaliland ayaa lagu soo dhaweeyey hab-maamuus qadarin leh.

Weftiga oo uu wehelinayo Safiirka Somaliland  Amb. Adan Nuux Dhuule waxay maanta (26 Nov 2013) xarunta dhexe ee xisbiga EPRDF kula shireen Ra’iisalwasaare-ku-xigeenka, ahna Xoghayaha Guud ee xisbiga EPRDF Ethiopia Ato Demeke Mekannon, kulankan oo qaatay muddo ku dhow laba saacadood ayey masuuliyiinta labada dal kaga wadahadleen; aqoonsiga Somaliland, nabadgalyada, horumarinta dhaqaalaha, waxbarashada iyo lskaashiga labada xisbi xaakim.

Weftigu waxay u sharraxeen Ra’iisalwasaare-ku-xigeenka in bulshada caalamka iyo dawladaha deriskaba ay dawladda Somaliland weli ka sugayso aqoonsigii ay xaqa u lahayd. Weftigu waxay ka xog-warrameen horumarka dhaqaale ee Somaliland hiigsanayso inay waxbadan ka dhimantahay inta aanay toos ula macaamili karin hay’adaha dhaqaalaha adduunka.

Waxa kaloo laga wadahadlay siday labada dal isaga kaashan lahaayeen nabadgelyada.

Waxay labada dhinac ka wadahadleen sidii loo daadajin lahaa heshiisyada lagu hirgalinayo Berbera-Addis
Corridor. Weftigu waxay u bandhigeen in Dekadda Berbera awood u leedahay inay maamusho afar milyan oo metric ton (4000,000TM) sannadkiiba, marka laga reebo baahida Somaliland taas oo dabooli karta boqolkiiba sodon 30% baahida Ethiopa ee dekadeed.

Labada dhinac waxay ka wadahadleen sii kordhinta deeqda waxbarasho ee Somaliland ka hesho Ethiopia iyo u fududaynta xaaladaha la soo gudboonaada ardayda.

In labada xisbi iska kaashadaan xagga siyaasadda waayo-aragnimada iyo tababarada.

Gunaanadkii waxa si guud la isla gartay sii xooginta iskaashiga dhinacyada badan ee laga wadahadlay iyo in labada xisbi sii adkeeyaan xidhiidhkooda.

SIXITAAN

Dhinaca kale, War-saxaafadeed aan shalay ku bixiyey madaarka Hargaysa waxaad moodaa in jaraa’idka iyo websites ka qaarkood ay si qaldan u baahiyeen iyaga oo sheegay in KULMIYE uu aqbalay shuruudihii ahaa inaan shanta sanno ee soo socda waxba laga beddelin golaha dhexe, guddiga fulinta iyo hoggaanka xisbiga KULMIYE. Arrintaasi sax maaha.

Shirwaynaha xisbiga oo keli ah ayaa awood u leh doorashada guddoomiyaha, ku-xigeenada, xoghayaha guud iyo golaha dhexe ee xisbiga, waa awood aanay cid kale farogelin karin, shirwaynaha ayeyna u taalaa. Hoggaanku xisbigu ma farogalin karo awoodaha sharci ee shirwaynaha xisba. Marka shirwaynuhu hawshiisa dhammaysto Guddida Fulinta waxa magacaabaya guddoomiyaha xisbiga, waxaanna ansixiya golaha dhexe, iyadana sharcigaas baa loo marayaa.

 Maalmaha kooban ee ka hadhay shirwaynahana Guddoomiyaha xisbiga ayaa awood u leh hadduu wax ka beddelayo iyo haddii uu sidooda u daynayo Guddida Fulinta iyo guddida qabanqaabada shirweynaha.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.