Taariikh-nololeedka Guddoomiyihii Hore Ee Golaha Wakiillada Somaliland oo maanta geeriyooday

Hargeysa(Somalilandtoday):- Allaah ha u naxariistee Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Somaliland Marxuum Ambassador Axmed Maxamed Aadan (Qaybe), ayaa saaka subaxnimaddii Abbaara 630-kii ku geeriyooday magaalada Hargeysa ee Caasimadda dalka oo uu degganaa oo berri lagu aasi doono.

Rabbi Naxariistii Janno haka waraabiyee Marxuum Qaybe, waxa uu ahaa Guddoomiyihii hore ee Golaha wakiillada Somaliland, isla markaana waxa uu ahaa Shaqsi xilal kala duwan ka soo qabtay Xukuumadihii Soomaaliya burburkii ka hor, kaasoo si weyna looga yaqaanay deegaannada ay Soomaalidu degto iyo daafaha caalamkaba, waxaana Maanta oo Arbaca ah lagu aasayaa magaalada Hargeysa, iyadoo Madaxweynaha Somaliland u aaskiisa u magacaabay Guddi heer Qaran ah.

Marxuum Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) oo Siyaasadda Soomaalida Safka hore kaga soo jiray tan iyo sannadkii 1960-kii. Taariikdiisa oo ballaadhnayd aynu isku dayno inaynu si kooban u xusno, maaddaama oo uu ahaa Marxuum taariikh badan oo aan qormo iyo laba lagu soo koobi karin lahaa.

Sannadkii 1930-kii waxa uu ku dhex dhashay saldhig millateri oo lagu magacaabi jiray ‘Royal Naval Station’, oo ku yaallay Xaafadda Khoor-masar, ee magaalada Cadan, oo ahayd xeradii aabbahii ka shaqayn jiray.

Yaraantiisii waxa uu ku kacaamay magaalada Cadan illaa uu kaga baxay dugsiga sare, waxa uu muddo kooban ka shaqeeyey radio hargeysa, sanadihii dhamaadkii afartameeyadii isagoo dib ugu noqday dhanka magaalada Cadan. Sannadihii Kontomeeyadii waxa uu ku soo noqday hargaysa isagoo ka shaqeeyey xafiiskii DC-ga.

1956-dii waxa uu noqday Xoghayihii Dawladda hoose ee Degmada Berbera, markaa ka dibna waxa uu deeq waxbarasho ka helay jaamacad ku taalla magaalada london ,markii uu soo dhamaystay jaamacadda waxa uu noqday xoghaha baarlamaanka Somaliland, isagoo sidoo kalena xoghaye u ahaa gudidii dalacaadda iyo waxbarashada dibadda.

Janaury 1960-kii ayuu London dib ugu noqday si uu xeer hoosaadka baarlamaanka ingiriiska u soo barto.

Intii u dhexaysay sanadihii 1960-1985 Waxa uu dalkii la isku odhan jiray Somalia safiir u ahaa Muddo 25 sanadood ah isagoo ka soo shaqeeyey dalalka Midowgii Soofiyeeti, Maraykanka, Ingiriiska iyo Qaramada Midoobay, muddo shan sanadood ahna waxa uu ahaa xoghayahii joogtada ahaa ee wasaaraddii Arimaha Dibadda ee dalkii Somalia , muddo lix bilood ahna waxa uu ahaa wasiirka arimaha Dibedda.

Sannadkii 1997-dii oo uu ku soo noqday Somaliland waxa uu muddo siddeed sannadood ahaa Guddoomiyahii Golaha wakiillada ee Jamhuuriyadda Somaliland. Isagoo door lama illaawaan ah ku lahaa diyaarintii Dastuurka Somaliland oo uu ka mid yahay saddexda Mas’uul ee ku saxiixan Buugga Dastuurka Qaranka Somaliland.

Naxariistii Janno Allaah ha siiyo’e Marxuumku waxa uu saaka subax ku geeriyooday magaalada Hargeysa, waxaana berri aas Qaran loogu samaynayaa isla magaalada Hargeysa iyadoo uu Madaxweynaha Somaliland u magacaabay Guddi ka tirsan Dawladda oo qabanqaabisa Aaska Marxuumka. INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.