Xisbiga Kulmiye Oo Shacabka Ka Tacsiyadeeyay Geerida Ku Timid Marxuum Qaybe

Hargeysa(Aftahannews):- Xisbiga Kulmiye, ayaa Tacsi u Diray Eheladii iyo shacabka reer Somaliland ee uu ka geeriyooday Marxuu Axmed Maxamed Aaden (Qaybe) oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Somaliland oo Maanta Hargeysa ku geeriyooday.

Dhambaal Tacsi ah oo uu soo saaray Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, ayaa lagu yidhi “Ku simaha gudoomiyaha xisbiga kulmiye, ahna gudoomiye k/xigeenka 1aad ee xisbiga kulmiye Md, maxamed kaahin Axmed , isagoo ku hadlaya magaciisa, ka hogaanka xibiga , ka gudida fulinta , ka golaha dhexe iyo ka dhamaan taageerayaasha iyo xubnaha xisbiga kulmiye wuxuu tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan shacabka jamhuuriyada Somaliland isagoo ka tacsiyaynaya geerida ku timi marxuum Axmed Maxamed Aaadan (Qaybe) oo ahaa gudoomiyihii hore ee golaha wakiilada Somaliland, wuxuu marxuumka alle uga baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo, dhamaanteena samir iyo iiman inaga siiyo.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland