Wasiirka Duulista Oo Shacabka Ka Tacsiyadeeyay Geerida Axmed Maxamed Qaybe

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa Tacsi u diray ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacabka reer Somaliland ee uu ka geeriyooday Marxuum Axmed Maxamed Aaden (Qaybe) oo maanta Hargeysa ku geeriyooday.

Dhambaalka Tacsida Wasiirka ayaa u dhignaa sidan “Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gadiidka Cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo ku hadlaya magaciisa iyo Magaca Wasaaradaasi ayaa waxa uu tacsi Tiiraanyo leh u diray Ehelkii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Marxuum, Axmed Maxamed Aadan (Qaybe), oo saaka ku geeriyooday Hargeysa.

Wasiirka ayaa Muxuum Qaybe oo ahaa Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland, ku tilmaamay oday qaranka ka baxay, oo door lixaad leh ka qaatay dhidibo u taagistii Dawladnimada qaranka JSL.

Wasiir ayaa waxa uu EEBBE uga bariyey  Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Ehelkiisii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.