Kenya oo bilowday baadhitaanno lagu samaynayo Booliska dalkaas iyo Sababta Keentay

Nairobi(Aftahannews):- Dawladda Kenya ayaa bilowday mashruuc raad-raac iyo baadhintaan ah oo lagu baadhay dhammaan Ciidammada Booliiska dalkaas, ka dib markii dhawaan Ciidammada dalkaas lagu eedeeyey xad-gudubiyo ka dhan ah Aadamaha.

Madaxa Guddiga addeegga Booliiska Kenya Johnson Kavulundi, ayaa maanta shaaca ka qaaday in qorshahan uu diiradda saari doono dhiirranaanta Saraakiisha iyo aqoontooda si hawlahooda ay si caddaaladi ku jirto ugu gutaan.

Baadhitaankan, ayaa la sheegay inuu saamaynayo kiisaska Boolisku hayaan ee la xidiidha dadka loo xidhxidhay falalka Amni-darro, siiba dadka u xidhan inay xidhiidh la lahaayeen ama gacan ka geysteen weerarkii Al-shabaab dhawaan ku qabsatay xarunta Ganacsi ee West Gate ee Caasimadda Kenya ee Nairobi.

 Mashruuca debagalka booliska Kenya oo ay kharashkiisa bixinayaan dawladaha reer Galbeedka ee taageera dawladda Kenya, waxaana la tilmaamayaa in arrintani timid ka dib markii la helay dad si fudud u qaatay sharciga dalka Kenya.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.