Somaliland oo Aqbashay dib-u-dhigis lagu sameeyey Shirka wadahadalka Soomaaliya ay la yeelan lahayd

 Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay aqbashay dib-u-dhigis lagu sameeyey shir ay la yeelan lahayd Soomaaliya oo lagu sii ambo-qaadi lahaa wejiga shanaad ee wadahadallada u socday labada dhinac.

Sidaa waxa shaaca ka qaaday Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo maanta warbaahinta la hadlay, ka dib kulan ay Wefti ka socday Midawga Yurub la yeesheen Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo maanta Xafiiskiisa ku qaabbilay Weftigaas.

Kulankaas gaarka ah oo ka dhacay qasriga Madaxtooyada Somaliland waxa Madaxweynaha kala qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirradda. Kulankaasi ka dib waxa Saxaafadda la hadlay Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis oo sharraxay qodobbadii ay kala hadleen Weftigan ka socda reer Yurub ee booqashada ku yimid Somaliland, isla markaana waxa uu sheegay in ay kala hadleen sidii ay waxyaabo badan isaga kaashan lahaayeen oo la xidhiidha horu marinta dhinaca barnaamijyada asaasiga ah.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland waxa uu sheegay in waxyaaba laga wadahadlay ay ka mid ahaayeen dib-u-dhigis lagu sameeyey Wadahadalkii Somaliland iyo Soomaaliya ay wejigii shanaad isugu iman lahaayeen oo dib loogu muddeeyey bisha koowaad ee sannadka soo socda, taasoo uu xusay inay Somaliland aqbashay maaddaama oo dhibaatooyin ka jiraan Soomaaliya, duniduna la socoto.

Wasiirku waxa uu sheegay inay beesha caalamku garawsatay xaqiiqooyin badan oo Somaliland ka jira, isla markaana ay u soo jeesteen sidii ay wax ula qaban lahaayeen Jamhuuriyadda Somaliland, hadday tahay dhinacyada diblamaasiyadda, dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta kobocana dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee waddanka Somaliland.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.