Warqad sir ah oo fashilisay Shirqool ay Somaliland u maleegayeen maamulkii Maxaakiimta iyo cidda qortay

Muqdisho (Aftahannews):-  Warqado sir ah oo la helay ayaa muujinaya in hoggaamiyihii hore ee maxkamadihii Islaamiga ahaa ee imika ku xidhan magaalada Muqdisho Xasan Daahir Aweys uu maleegayay hawlgallo amni-darro lagaga abuurayo deegaannada Soomaalida, isla markaana lagu fulinayo dilal qorshaysan.

Sida ku xusan warqad sir ah oo ay baahisay shabakadda siraha ee Wikileaks, amarro ay soo saareen kooxdii maxaakiimta Islaamiga ah ee Soomaaliya, isla markaana uu ku saxeexnaa hoggaamiyihii iimaamyada maxaakiimta oo markii dambena hoggaan ka noqday ururkii xisbul-Islaam Xasan Daahir Aweys, ayaa lagu amray kooxo maxaakiimta wakiil ahaan ugu joogay Somaliland iyo Puntland inay qaadaan tallaabooyin ka dhan ah amniga deegaannadan. Waxaanay amarradaasi ku jiray in dilal qorshaysan oo lagu fuliyo masuuliyiinta Somaliland, Puntland iyo dawladii wakhtigaa ee TFG.

Warqaddan oo ku taariikhaysan November 09, 2005, lagana soo saaray magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud, ayaa xambaarsanayd qoddobo badan oo nuxurkoodu ahaa sidii maxaakiimtu u khalkhal-gelin lahayd amniga deegaannada iyo sidoo kale xidhiidhka ay la leeyihiin dawladda Itoobiya.

Warqaddan ay baahisay Wikileaks oo ku qornayd af Ingiriisi, isla markaana ay idiin soo turjumeen bahda Somali Investigative Reports (Sir) – www.sirsomali.com, ayaa qodobbada amarrada ah ee ay xambaarsanayd waxay u dhignayd sidan;

“Walaalaha Islaamka ahow,

Laga soo bilaabo lixdamaadkii, markii Soomaaliya ay qabsadeen dawladdii shacbiga ahayd iyo taliskii milatariga ahaa ee Siyaad Barre oo ay sal u ahayd caddaalad-darro, ku-dhaqanka shareecada waa la buriyay. Shareecadu waxay amraysaa tubta toosan, waxaanay ka digaysaa ficillada xun. Isla markaana, tobankii sanno ee burburku wuxuu halleeyay awaamiirtii Islaamka. Bulshada waxa qaybiyay dagaal-oogayaal sababay daadashada dhiigga dad aad u badan iyo daciifinta iimaanka dadka.

Sidaad dhammaantiin ogtihiin, waxa loogu yeedho dawladda ku-meelgaadhka ah (TFG) ee loo sameeyay Soomaaliya waxay ugaadhsanaysaa hoggaamiyayaasha diinta iyo guud ahaan muslimiinta. Waxay saamayn ku yeesheen beesha caalamku inay rumaystaan in hoggaamiyayaasha diinta ee Soomaalidu ay yihiin Al-Qaacida. Waxaad si aad ah u ogtihiin in ujeeddadoodu tahay inay ciidamada Itoobiya keenaan, si ay u adeegsadaan, una laayaan dadka Soomaaliyeed. Sidaad ogtihiin, waxa jira koox hoggaamiyayaal ah oo la dagaallamaya dawladdan, iyaga oo aan aragtideena qabin, balse waxay noqon kartaa muhiim in iyaga la isticmaalo.

Si looga falceliyo khataraha uu xambaarsan yahay qorshaha dawladdani, kaas oo looga jeedo in lagu waxyeelleeyo dadka soomaaliyeed oo muslimiin ah, waxaanu go’aansannay qoddobadan soo socda ee aad ku arki doontaan bogagga soo socda, si aad u fulisaan.

In ay ku fidiyaan barnaamijyadooda siyaasadeed ee lagu soo celinayo maamul ku salaysan shareecada, waa horumarka la taaban karo ee ay sameeyeen Maxkamadaha Islaamiga ahi;

-Markii la arkay waxyaabihii ka soo baxay macluumaadkii loo adeegsaday ololaha wacyigelinta iyo aqbalaaddii dadka ee qorshayaasha ah in la aasaaso dawlad Islaami ah oo keenta caddaalad iyo midnimo.

-Markii la arkay baahida daran ee loo qabo ballaadhinta maamulka maxkamadaha islaamiga ah ee qaybaha Soomaaliya, si mar kale diiradda loogu saaro danaynta shacabka ee caddaaladda.

-Markii la arkay baahida loo qabo in la arbusho waxa loogu yeedho dawladda federaalka ee ku-meelgaadhka ah iyo maamul-gobolleeddada dadweynaha u haysta sidii la-haystayaal oo kale.

Waxa la go’aamiyay qoddobadan;

I.In maxkamadaha islaamiga ah laga furo dhammaan degmooyinka Puntland iyo Somaliland, iyada oo la kaashanayo madax-qabiileedyada iyo hoggaamiye-dhaqameedka.

II.In wakiillada maxkamadaha islaamiga ah ee Puntland ay sameeyaan dabley iyo hub ka dhan ah TFG oo kaga yimaadda dhinaca Puntland iyo xuduudka Itoobiya.

III.Qoryashayaal lagu kharribayo xidhiidhka jira ee ka dhaxeeya TFG, Puntland, Somaliland iyo Itoobiya in la sameeyo.

IV.In lala falgalo ciidamada Puntland iyo Somaliland, iyada oo qabiilka loo adeegsano si loo burburiyo midnimadooda.

V.Hubka culus iyo hubka fudud ee ay isticmaalaan ciidamada Puntland iyo Somaliland waa in lagaga iibsadaa lacag adag si qarsoodi ah.

VI.Haddii ay taasi suurtogeli waydo, waa in ciidanka ilaaliya kaydka hubka culus la siiyo laaluush.

VII.In iskaashi lala yeesho dembiilayaasha, lana siiyo lacag adag si loogu dhiirigeliyo inay dilal qorshaysan ku fuliyaan masuuliyiinta maamullada (TFG, Somaliland iyo Puntland).

VIII.In tixgelin loo muujiyo hoggaamiye-dhaqameed kasta iyo qabiil-hoosaadka, lana siiyaa wixii dhaqaale ah ee ay u baahan yihiin.

IX.In la dardargeliyo khudbado diineed si dadban loogu saamaynayo dadka oo la jeediyo.

X.In laga fogaado in aad is-khilaaftaan maamulladan, cashuurtana waa in aad u bixisaan siday tahay.

XI.In isbahaysi xooggan lagu dhex yeesho golaha wasiirrada ee maamulladan iyadoo la adeegsanayo hoggaamiye-qabiileedka iyo hoggaan-dhaqameedyada, lana muujinayo furfurnaan.

XII.In caawimooyin xooggan loo fidiyo Oromada iyo ONLF si ay u wiiqaan dawladda Itoobiya oo ah cadowgeena koowaad iyo maamulladan ay u adeegsanayaan inay fuliyaan qorshayaashooda.

XIII.In dadka laga tirada badan yahay ee la haybsooco ee ku dhaqan maamulladan saamayn lagu yeesho, lana soo dhawaysto.

XIV.In qabiil-hoosaadka Wagardhac ee ka mid ah qabiilka Marreexaan la taageero, lana dhiirigeliyo cadaawadda ay u hayaan jufooyinka kale ee Mareexaan.

XV.In taageero buuxda loo fidiyo Jeneraal Moorgan si loogu adeegsado in la burburiyo, lana furfuro qabiillada awoodda ku leh Soomaaliya.

XVI.In la yareeyo cadaawadda siyaasadeed ee loo hoggaamiyayaasha diimeed ee taageera maamulladan.

XVII.In wakiillada Puntland iyo Somaliland ay faafiyaan afkaaro ku sabsan sida ugu wacan ee loo soo celinayo maxkamadihii islaamiga ahaa, loona hirgelinayo go’aannada halkan lagu taxay.

XVIII.Waa in la taxaddiraa, si looga fogaado in xogtan la faafiyo.

XIX.Qof kasta oo faafiya xogtan ee lagu helo waa in la toogtaa.

Ugu dambayn, wakiillada waxa lagula talinayaa inay hab dibloomaasiyaadaysan u maraan fulinta go’aammadan, kana soo warbixiyaan dhaqdhaqaaqyada horumar ee laga sameeyo ee ay ka midka yihiin waxa ka suurtogelaya iyo imkaaniyaadka loo baahan yahay.”

Xasan Daahir Aweys ayaa imika gacanta ugu jira dawladda Soomaaliya ka dib markii uu isa soo dhiibay bishii June ee sanadkan, kana degay magaalada Muqdisho, halkaas oo ay wakiillo ka socda dawladaha shisheeye qaarkood kula kulmeen, si su’aalo loo waydiiyo.

 

Xigasho

WWW.SIRSOMALI.COM