Wefti ka socda Midawga Yurub oo Hargeysa booqasho ku yimi iyo Xukuumadda oo aan ka hadal

Hargeysa(Aftahannews):- Wefti ka socda Midawga Yurub oo uu hoggaaminayo Ergayga Midowga Yurub u qaabbilsn Soomaaliya Michele Cervone, ayaa maanta gelinkii dambe ka soo degay garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa oo si diirran loogu soo dhaweeyey.

Weftigan ka socda Midawga Yurub ee maanta booqashada ku yimi Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaa hogaaminaya Ergayga Midowga Yurub u qaabbilsn Soomaaliya Mr Michele Cervone, waxaana Weftiga ka mid ah Safiirka dawladda Ingiriiska u qaabvilsn Soomaaliya iyo Somaliland Neil Wigan.

Weftigan oo ay garoonka diyaaradaha ee Cigaal ku soo dhaweeyeen Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland, ayaa caawa u hoyday magaalada Hargeysa, waxaana la filayaa inay Berri kulammo la yeeshaan Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Somaliland.images (1)

Michele Cervone iyo Neil Wigan, oo ay weheliyaan Diblumaasiyiin dhowr ah oo ay sidday diyaarad gaar ah, ayaa ka hor intii aanay Hargeysa iman waxay soo mareen magaalada Garoowe ee xarunta Maamul-goboleedka Puntland, halkaasoo ay kaga qayb-galeen Munaasibad Madaxwaynaha Maamulka Puntland Cabdiraxmaan-Faroole maanta ku furayey Mashruuc ku kacaya 3 Milyan oo lacagta Yurub ah oo lagu horumarinayo Carruurta iyo Dumarka deegaannada Maamulkaas ku dhaqan, waxaana lacagta ku baxaysa ugu deeqay Midowga Yurub.

Socdaalka Weftigani ku yimaaddeen xarunta Somaliland ee Hargeysa, aanay weli Xukuumadda Somaliland ka hadal, isila markaana illaa hadda lama oga ujeeddada rasmiga ah ee socdaalkooda, balse Weftigan ayaa noqonaya kii labaad ee heer Caalami ah ee Somaliland soo booqda toddobaadkan oo gudihiisa, iyadoo ay hore u joogeen Safiirka Turkiga u fadhiya Somaliya iyo Maal-qabeenno dalkiisa u dhashay.

Wufuuddan isku soo beegmay, ayaa socdaalkoodu la xidhiidhaa dhinaca Dublamaasiyadda iyo Maal-gelinta maaddaama oo ay taageero dhinacyo kala duwan ah siiyaan Soomaaliya iyo Somaliland.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland