Cabdiraxmaan-Cirro oo hanjabaad u jeediyey Xildhibaannada KULMIYE ee ka soo horjeestay go’aan uu gaadhay

Helisink(Aftahannews):- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka hadlay faro-gelin uu sheegay in lagu sameeyay isku-shaandheyn uu dhawaan ku sameeyay Guddi-hoosaasyada Wakiillada, waxaanu eedaymo u jeediyay Xisbiga KULMIYE oo uu sheegay inuu deg-degayo.

Guddoomiyaha WADDANI oo safar Shaqo ku jooga dalka Finland, ayaa khudbad uu u jeediyay qaar ka mid ah Taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee dalkaas, ku soo qaaday khilaafka ka dhashay isku-shaandheynta Guddi-hoosaadyada, waxaanu sheegay in isku-shaandheyntaasi ay hore isula-qaateen saddexdooda xubnood ee Shir-guddoonka .Guddoomiye cirro

Guddoomiye Cirro, oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi; “Somaliland maanta uma baahna in xaalad abuur iyo xamaasad la sameeyo, uma baahna in dadka la bahalo-geliyo oo daasado madhan loo tumo, Somaliland waxay u baahan tahay inay hore u socoto, inay nidaamka dimuquraaddiga ah ku socoto, inay doorashooyinka ku dhawaato oo ay u diyaar-garowdo. Laakiin, waxaad mooddaa in KULMIYE qaaday waddo taa ka duwan.”

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo ka hadlaya isku-shaandheynta uu ku sameeyay Guddi-hoosaadyada Wakiillada ee khilaafka ka dhex abuuray Xildhibaannada iyo sidoo kale Shirguddoonka Golahaas, waxa uu yidhi; “Markii aan soo baxayey waxaan sameeyay isku-shaandheyn Guddiyada Golaha Wakiillada ah, sida Xeer-hoosaadku qorayo waa Guddi-hoosaasyada sannad walba la sameeyo.”

“Markaa, isku-shaandheyn soo raagtay oo muddo badan la sugayey oo Gole weynuhu ka hadlay oo Guddi gaar ah oo aannu u samaynay ka hadlay oo saddexda xubnood ee Shir-guddoonku isla qaateen in la sameeyo isku-shaandheynta ayaa la sameeyay, isku-shaandheyntaasi waxay waafaqsan tahay sharciga. Hase-yeeshee, mudadii aan soo maqnaa isku-shaandheyntaasi go’aan aan Goluhu lahayn oo dibedda kaga yimi la isku dayayo in lagu beddalo.”  Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Waxaanu Cabdiraxmaan-Cirro oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; “Xagguu ka yimi go’aankaasi, go’aankaasi meel aan naga fogeyn oo aannu jaar nahay ayuu ka yimi, faro-gelintaasi waxay ka timid meel aan naga fogeyn oo aannu jaar nahay, Hooyooyinkeen ayaa la yidhi; ‘waxay ku maahmaahi jireen marka Carruurtu iska layso’ ‘XAAFADI WAXAY XAAFAD KALE UGU SOO WAREEGTAA WAA XARAD!”. Waxaad
moodada qoladii aannu jaarka ahayn waxa ku soo kordhay Carruur badan oo qalqaali ah, waxaan ka baqayaa qolo malaha is leh Xukuumadda difaaca iyo Carruurtaa qalqaaliga ahi inay jar ka tuuraan.”

Guddoomiyaha WADDANI, waxa uu sheegay inay jiraan dad Xukuumadda jar ka ridaya, waxaanu yidhi; “Waxaan leeyahay Belo ma jirto, aniga iyo Xisbiga WADDANI midna looga baqi maayo inay dalkan dhibaato u keenaan. Laakiin, Innamadaa faraha fiiq-fiiqaya waxaannu leenahay iska daaya oo faraha ha fiiq-fiiqina, haddaad joojin waydaan fiiq-fiiqa waxaan filayaa inaad dhexda ka qaniini doontaan farahiinna.”

Waa markii ugu horreysay ee uu Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro qaab sidan u adag uga hadlo khilaafka ka taagan isku-shaandhaynta Guddi-hoosaadyada Golaha Wakiillada Somaliland.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.