“Wuxuu yidhi Xildhibaan Nacnac; ‘Dalkeenna Nimcaa Fadhida, Aniguna waxaan ku idhi; ‘Xaafaddiinna Foostada Biyaha ah waxa laga siiyaa 10,000…”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (C/Raxmaan-Xoog)

 Helisink(Aftahannews):- Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee taageera Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa sheegay inay rejaynayaan inay xukunka dalka ku guuleystaan marka la gaadho doorashada aqalka Madaxtooyada ee lagu wado inay qabsoonta sannadka 2015-ka.

Xildhibaan Cabdiraxmaan-Xoog, waxa uu isla markaa jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka mid ah Mudanayaasha aqalkaas ee ka soo jeeda Xisbil-xaakimka KULMIYE, oo sheegay inay Somaliland nimco fadhido.xoog

Xildhibaan Cabdiraxmaan-Xoog oo ka mid ahaa Mudanayaal dhawaan ku biiray WADDANI, isla markaana ka tirsan Wefti Guddoomiyaha WADDANI hoggaaminayo oo socdaal ku maraya dalalka Yurub, ayaa isaga oo ka hadlayey Munaasibad ay taageerayaashooda Finland ku soo dhaweeyeen Weftiga Guddoomiyaha oo lagu qabtay Magaalada Helisink.

“Haddaannu WADDANI nahay, waxaannu leenahay maanta waa maalintayadii, wax kursiga naga hor-joogsan karaa ma jiraan. Waannu dedaalaynaa xagga ILAAHAY oo laga waayo mooyaane, xisbiga Kulmiye-na 1 sano iyo badhbaa u hadhay.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog).

Waxa uu Xildhibaan Cabdiraxmaan-Xoog waxa uu soo qaatay hadal uu Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) oo ay wakhti hore dood dhex-dhigtay laant Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-du ku dooday inay Somaliland Nimco fadhido, waxaanu Md. Xoog oo arrintaa ka hadlayaa yidhi; “Waad maqlayseen Aniga (Xildhibaan Cabdiraxmaan-Xoog) iyo Xildhibaan Nac-nac oo Idaacadda BBC-da ka doodayna, wuxuu yidhi; Xildhibaan Nacnac, ‘Dalkeenna nimcaa fadhida, aniguna waxaan ku idhi Xaafaddiinna Foostada Biyaha ah waxa laga siiyaa 10,000 Somaliland Shilin ah (lacagta Somaliland), ee Barwaaqada aad sheegaysaa halkay fadhidaa?.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.