Iran oo Heshiis la gaadhay Reer Galbeedka iyo Israel oo deedifaysay

Geneva(Aftahannews):- Iran ayaa heshiis ku-meel-gaadh ah oo ku saabsan Hubkeeda Nuklieerka la gaadhay reer Galbeedka, ka dib wada-xaajoodyo heerkoodu sarreeyay oo la isku noq-noqday oo muddo afar maalmood ah ka socday magaalada Geneva ee xarunta dalka Switzerland, kaasoo shalay la soo gebo-gabeeyey.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in markii ugu horraysay toban sanadood, barnaamijka nukliyeerka Iran la hakiyay. Heshiiskan ayay Iran ku ballan-qaaday inay dhinto kaydkeeda tayeenta Macdanta Uraniyamka, oo loo isticmaali karo Hubka Nukliyeerka ah. Iran ayaa cuna-qabataynta qaar laga qaadayaa haddii ay fuliso qodobbada heshiiskaas.

Heshiiska ayaa socon doona lix bilood, isagoo waqti siinaya wadahadallo heshiis waqti dheer ah. Wasiirka arrimaha dibedda ee Iran, Maxamed Javad Zarif, ayaa sheegay in la aqoonsaday xaqa uu waddankiisu u leeyahay tayaynta Uraniyamka. Laakiin Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka John Kerry, ayaa sheegay inaan la aqoonsan.

Heshiiska:

Hesiiska ku-meel-gaadhka ah, Iran waxay oggolaatay inay joojiso tayeenta Uraniyamka wixii ka sarreeya shan boqolkiiba. In ay qafiifiso Uraniyamka ay tayaysay ee gaadhaya boqolkiiba labaatan iyo shan, taasoo ah aasaaska Hubka Nukliyeerka ah.

Waxa kale oo ay aqbashay inay joojinayso horumarinta awoodda ay ku tayaynayso Uraniumka, sida inaanay samaysan qaboojiyayaal kale. Inay joojiso horumarka ay ka samaynayso Saldhiggeeda Nukliyeerka ee Arak, iyo inay oggolaato kormeeridda Hay’adda Atoomikada ee IAEA.

Haddii ay fuliso heshiiska Iran, waxay reer Galbeedka u oggolaan doonaan in si ku-meel-gaadh ah looga dabciyo cuna-qabataynta khasaaraha wayn u geysatay dhaqaalaha Iran ee muddada saarnayd.

Israel:

Raiisal-wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, ayaa ugu yeedhay heshiiska qalad taariikhi ah. Isagoo la hadlaaya Wasiirradiisa, ayuu sheegay in dowladda adduunka ugu qatarsan inay qaadday tallaabo muhiim ah oo ay ku yeelato Hubka Adduunka ugu khatarsan. Netanyahu wuxuu sheegay in Israel aan lagu qasbi karin heshiiska, isla markaana ay leedahay xaqa inay is difaacdo.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.