Khuburo Faransiid iyo Masar u dhashay oo la ogaaday inay yihiin Maskaxda Al-Shabaab u samaysa miinooyinka iyo waxyaabaha Qaraxyada loo adeegsado

 
Hargeysa(Aftahannews):-  Khuburo u kala dhalatay waddamadda Faransiiska Masar iyo Marooko,ayaa ka mid  ah Shaqsiyaadka iyo maskaxda ka dambaysa in ay kooxda Al-Shabaab samayso Qaraxyo miinooyin ah oo aad u khatar badan,kuwaas oo la sheegay inay ku sugan yihiin gudaha dalka Soomaaliya sida ay shaaciyeen sirdoonka dalalka Kenya iyo Itoobiya.
 
Magacyada  shaqsiyaadkan oo khatar badan ku ha Dawladda Soomaaliya,ayay sirdoonka dalka Soomaaliya sheegeen ragga ay yihiin kuwa farsameeya miinooyinka iyo waxyaabaha qarxa ee ay kooxda Al-Shabaab kula dagaalanto Soomaaliya iyo dalalka  Geeska Afrika
 
Magacyada  oo si hoose looga helay sirdoonka dalalka Kenya Soomaaliya iyo Itoobiya
 

1.      Maxamed C/casiis Xasan wuxuu u dhashay      Masar.

2.      Maxamed Cali      Maxamuud Khalifa wuxuu u dhashay Masar.

3.      Salim Si Maxamed Wuxuu u dhashay Morooko.

4.      Nadane Si Maxamed Wuxuu u dhashay Moroko,        Labada reer marooko waa walaalo..

5.      Rachid Benomari  wuxuu u dhashay      Faransiis, waana Madow

 

Aftahannews.com

Hargeysa  Somaliland