Somaliland oo markii u horreysay keensanaysa Diyaaradaha qumaatiga u kaca (Helikobtars)

 Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaadday inay Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helikobtar-ka loo yaqaanno ku qalabaynayso Ciidammada Booliska, kuwaasoo hawlgallo samayn doono waqtiyada loo baahan yahay gargaarka deg-degga ah iyo hawl-gallada gaarka ah ee wax lagaga qabanayo dhinaca arrimaha nabadgelyada.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa galabta sheegay inay dhawaan diyaaradaha qumaatiga u kaca ee helikobtarrada ah ku qalabaynayaan Ciidammada Booliska, kuwaasoo uu xusay inay wax ka qaban doonaan dhinaca nabadgelyada iyo fidinta gargaarka deg-degga ah sida marka Daadadka Dooxyadu dadka qaadaan oo kale iyo wixii la mid ah.

qumaatiga

“Insha Allaahu dhawaan waxaannu rejaynaynaa oo aannu wadnaa inaannu ku qalabayno Ciidanka Booliska Diyaarado Ehlucobtor ah haddii Illaahay yidhaahdo, waxaanay wax weyn ka tari doonaan dhinaca nabadgelyada, isla markaana waad aragteenoo waqtiyada Daadku ama Dooxyadu ay rogmanayaan waxa ku dhaca Dad ama Daadadku qaadaan, waxa laga yaabaa muddo badan iyaga oo dul-taagan intaan daadadka dambe ku soo gaadhin in cid ka soo saarta ama gasha la waayo.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo galabta hadal ka jeediyey kulan lagu soo bandhigay Gaadiid cusub oo loogu talo-galay Ciidanka nabadgelyada waddooyinka ee Hargeysa iyo Ciidammo cusub oo Trafic ah.

Wasiirka arrimaha gudaha oo sharraxaya hawlgallada lagu fulin doono Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ay Somaliland markii ugu horreysay yeelanayso waxa uu yidhi; “Diyaaradahaasi waxay innaga anfici doonaan had iyo jeer inay sameeyaan kaalmada deg-degga ah oo ay ka saari karaan dadka iyaga oo Boolis lagu tabobbaray oo xadhkahooda ku soo degaya, dabadeedna ka saaraya. Waxay diyaaradahaasi wax ka tari doonaan sidii Duufaantii dhawaan dhacday ka mid yahay waxa jira dhul ay dadku ku gaajoodeen kuna xoolo beeleen oo aannu runtii dhawr cisho geli kari waynay, halkaas oo kale in loogu gurmado oo lagaga daad-gureeyo dadka ama raashin loogu daaadiyo.”

Waa markii ugu horreysay ee ay Xukuumadda Somaliland shaaca ka qaaddo inay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee helikobtars-ka loo yaqaanno keenayso, isla markaana ku qalabaynayso Ciidammada Booliska Somaliland si ay hawlgallo muhiim ah oo nabadgelyada la xidhiidha iyo gargaarka deg-degga ah door muhiim ah uga qaataan, tayada Booliska ee dhinaca adeegyada ay bulshada u qabtaanna kor loogu qaado, waxaanay noqonaysaa haddii lagu guulaysto tallaabo horumar oo muuqata oo ay Somaliland ka samaysay dhinaca qalabaynta iyo tayaynta Ciidammada ammaanka dalkeeda.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.