Wasaaradda Caafimaadka oo ka hadashay Gabadh Sun laga Iibiyey ku dhiman-gaadhay

Hargeysa(Aftahannews):- Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaa ka hadashay Haweenay maanta ku sumoobi gaadhay Sunta ama Dhibta lagula dagaallamo Cayayaanka ku dhasha Xoolaha oo ay Cabbi gaadhay, taasoo ka nabad-gashay inay cabto, ka dib markii Saygeeda oo ku dhawaa ugu galay qol ay ku jirtay Xaaskiisu iyada oo markaa furka ka furtay Dhibta ay iibsatay si ay u cabto.

Madaxa Caafimaadka guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland u qaabbilsan gobolka Maroodi-jeex Maxamed Faarax Axmed (Qoti), ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen Dhibta Sunta ah ee Haweenaydaas oo Jin ku jiraa u iibsatay inay cabto, isla markaana waxa uu baaq u diray dadka ka ganacsada Sunta lagula dagaallamo noocyada kala duwan ee cayayaanka ku dhasha Xoolaha iyo dhirta, Dawada Xoolaha iyo Wasaaradda Xannaanada Xoolaha.

Maxamed Faarax Qoti waxa uu sidaa ku sheegay War-Saxaafadeed uu caawa soo saaray, kaasoo uu si faahfaahsan ugaga hadlay dhacdadaas iyo masuuliyad-darrada ay sameeyaan Dadka goobaha Caafimaad ee gaarka loo leeyahay u furan yihiin ee ka ganacsada noocyada Sunta iyo Dawooyinka-ba. Waxaanu qoraalka War-Saxaafadeedkaasi u dhignaa sidan:-

“Waxaannu uga digaynaa dhammaan goobaha gaarka loo leeyahay ee ka ganacsada Dawooyinka Dadka iyo kuwa Xoolahaba siiba kuwa Xoolaha ee isku iibiya Sunta cayayaanka, kuwa dhirta iyo kuwa Xoolahaba, kuwaasoo si qayrul-masuulnimo ah uga iibiya dadka iyaga oo aan ku xidhin wax sharciya dhinaca iibinta sumaha kala duwan iyo dawooyinka Xoolaha, ayaa ah mid marba dhacdo hor lihi ay soo if-baxayso, habka iyo dharci-darrada ay uga iibiyaan sumahaas bulshada.

Tani waxay ahayd markii gabadh xanuunsanaysa oo waliba jin ku jiro ay ka soo iibsatay Goob ka mid ah goobaha lagu iibiyo dawooyinka Xoolaha, dawodaas oo ahayd  dawada la yidhaahdo CYPERMETHRINE  10%  oo aynu u naqaanno Dhibta Xoolaha oo loogu  talogalay in lagu daweeyo maqaarka sare ee Xoolaha marka ay Shillinta iyo Cayayaanka la midka ahi ku dhashaan.

Hase-yeeshee, waxaa Illaahay waafajiyey markii uu Ninkeeda ama Saygeeda oo aan ka fogeyni uu ugu soo galay Makhsin guriga ka mid ah iyadoo ka furaysa furka oo islahayd cab, dabadeedna uu ka qabtay, Baadhitaankiina illaa hadda waannu ku daba-jirnaa, markaannu arrintaas xaqiiqsanno waxaannu u gudbin doonnaa Laamaha ay khusayso ee dawladda.

Inkastoo ay tahay Dhinaca arrimaha bulshada iyo sharciyadii xakameyn lahaa Dawooyinka dadka iyo ta Xoolaha-ba oo illaa hadda aan Baarlamaanku ansixin, ayaa ka mid ah in maalinba aannu la kulmayno arrin hor leh. Sidoo kale, Wasaaradda Xannaanada Xoolaha oo ay arrintani masuuliyad weyni ka saran tahay in ay wax ka qabato maaddaama oo ay halis weyn ku tahay Nolosha Aadamaha oo ah illaa heer dhimasho, iyadana waxaannu u soo jeedinaynaa inay doorkeeda ka qaadato wax ka qabashada arrimaha noocan ah.

Dadka ka ganacsada Sunta lagula dagaallamo Cayayaanka ku dhasha Dhirta iyo Xoolaha iyo weliba Dawada Xoolaha, waxaannu u soo jeedinaynaa inay ka taxadiraan waxa ay iibinayaan, isla markaana masuuliyad iska saaraan marka ay Sunta iibinayaan dadka ay ka iibinayaan, ogaadaanna qaabka ay u isticmaali karaan iyo ujeeddada ay u iibsanayaan, waayo qof cabbaya markay ka iibiyaan ee qofkaasi sumoobo waxa halkaa uga imanaya kiis ka dhalan kara masuuliyad-darro ay sameeyeen. Sidoo kale, Ganacsatada isku dhex iibiya Dawada dadka, Dawada Xoolaha iyo noocyada kala duwan ee Sunta Cayayaanka inay ka taxadiraan khatarta iyo saamaynta ay Dawooyinkaa is-dhex yaallaa ku keeni karaan caafimaadka iyo nolosha Aadamaha. Wa Billaahi Tawfiiq. Allaah ayaa Mahadleh.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.