Hoggaamiyaha Al-Shabaab oo amray qab-qabashada iyo Xadhigga Saraakiil Ajaabin ah oo Kooxda ka tirsanaa iyo Magacyada Xubno Baxsi ku jira oo la raadinayo

Baraawe(Aftahannews):- Ciidammada amniyaatka kooxda Al-Shabaab ee tooska u hoos taga hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane, ayaa Xabsiga u taxaabay Saraakiil sar-sare oo ka tirsan isla Al-Shabaab oo ay ku jiraan xubno Ajaanebka Kooxda ka tirsanaa.

Saraakiisha lagu xidh-xidhay magaalada Baraawe ee ay Xabsiga dhigeen kooxda Ciidammadda gaarka ah ee hoggaamiye Axmed Cabdi Godane oo isugu jira Rag ajaanib ah iyo kuwo Soomaali ah, ayaa la sheegay inay gudaha magaalada Baraawe ka abuurtay xiisad ka dhex oogantay kooxda Al-Shabaab, isla markaana ay jiraan Saraakiil sar-sare oo ka tirsan kooxd Al-Shabaab oo ka goostay hoggaamiyaha Axmed Cabdi Godane oo la sheegay inay isku uruursadeen meel aan kaba fogayn magaalada Baraawe.

Saraakiisha  la  xidh-xidhay ee Soomaalida ah kana tirsan kooxda Al-Shabaab, ayaa la sheegay inuu ugu sarreeyo Sheekh Yuusuf Ciise (Kaba-ku-tukade) oo muddo badan ka tirsanaa kooxda A-Shabaab, isla markaana ahaa Saraakiisha sarsare ee ay aadka isugu dhaw yihiin Axmed Cabdi Godane. Wararka ka imanaya magaalada Baraawe ee ay gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab.

Waxaa kaloo Xabsiga kooxda Al-Shabaab ee magaalada Baraawe la dhigay Saraakiil ajaanib ah oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo u kala dhashay dalal kala duwan una yimi Soomaaliya si ay u taageeraan ugana barbar dagaallamaan kooxda Al-Shabaab, waxaanay kala yihiin.

1- Zubeyr Al-Muhaajir oo isagu haysta dhalashada dalka Britain, isla markaasina hore uga soo dagaallamay dalal ay ka mid yihiin Afghanistan,Ciraaq iyo Yemen. 2- Khataab Al-Masri oo isagu dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Masar, isla markaana ay aad isugu dhowaayeen siyaasad ahaan Hor joogihii ugu tunka weynaa Ajaaniibta Al-Qaaiidada Soomaaliya  yimi Abuu Mansuur Al-Amriiki.

3 Cabdirisaaq Burundi oo isaguna u dhadhay   Dalka Burundi,Soomaaliyana aan waqti badan joogin. Saraakiisha ajaanibka ah ee uu ku raad joogo Axmed Cabdi Godane ee aan wali la qaban kana baxsaday magaalada Baraawe,ayaa kaa ah:- Cismatulah Turkey,Xakiil Al-Masri,Abuu sacab Al-Shaam iyo kuwo kale oo aanay magacyadooda helin.

Wararka laga helayo magaaladda Baraawe,ayaa intaa ku daraya inay jiraan kooxo is uruursaday oo ka soo hor jeeda hoggaamiyaha kooxda Al-Shabaab oo magan galiyay ragga ajaanibka ah ee ka baxsaday magaalada Baraawe,kuwaasoo la sheegay inaanay ciidan ahaan iska difaaci Karin  kooxda loo yaqaanno amniyaatka oo ah ciidanka ugu awoodda badan ee uu tooska u xukumo hoggaamiyaha kooxda Al-Shabaab kuwaas oo imika la sheegay inay ku raad joogaan ragga ajaanibka ah ee ka baxsaday magaaladda Baraawe.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.