Xulka Qaranka Soomaaliya oo u ambabaxay Kenya oo ay kaga qaybgalayan Ciyaarayaha Bariga iyo Badhtamaha Afrika

Muqdisho(Aftahannews):- Xulka Kubbadda Cagta ee Qaranka Soomaaliya, ayaa maanta ka dhoofay magaalada Muqdisho, iyagoo kusii jeeda dalka Kenya oo ay kaga qayb-galayaan ciyaaraha bariga iyo bartamaha Afrika.

Tabobbaraha Xulka Qaranka Soomaaliya, Maxamed Cabdulle Fara-yare oo la hadlay HOL oo aannu warkan ka soo xigannay, u sheegay in sannadkan ay filayaan guul weyn kasoo hayaan ciyaaraha, maadaama ay sannado badan guul-darrooyin lasoo kulmeen.

“Sannadkan rajo wanaagsan ayaan qabnaa, waxaana filayaa inaa guul kasoo hoyn doonno ciyaarahan,” ayuu Fara-yare u sheegay HOL, ka hor intii aysan ka dhoofin garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Xulka Soomaaliya ayaa wuxuu la ciyaari doonaa Dalalka Zambia, Tanzania iyo Burundi, kuwaasoo ah xulal adag, balse tababaraha xulka Soomaaliya ayaa sheegay in sannadkan ay aad ugu diyaar-garoobeen ciyaaraha.xulka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan ka qayb-galay ciyaar ka tirsanayd horyaalka heerka koowaad ee dalka Soomaaliya oo ka hadlayay garoonka Banaadir Stadium ayaa sheegay in xulka Qaranka uu u rajeynayo inay guul kasoo hoyaan ciyaaraha bariga iyo bartamaha Afrika.

Ciyaartoyda xulka Qaranka Somalia ayaa waxay raaceen diyaaradda Jubba Airways, taasoo ku socotay magaalada Nairobi ee xarunta Kenya, iyadoo xulka Soomaaliya uu noqonayo kii xulalka ka qaybgalay ciyaartan oo gaaray Kenya.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.