Masuul Ka Tirsan WADDANI oo Weeraray Xisbigiisa iyo UCID, Xukuumaddana Xaal iyo Raalli-gelin isugu daray

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Gudaha iyo Amniga Ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Axmed Maxamed Filan-waa, ayaa sheegay maanta inuu raalli-galin ka bixinayo hadal Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee WADDANI Axmed Muumin Seed ku weeraray Wasiirka arrimaha Cali Maxamed Waran-cadde, kaasoo nuxurkiisu ahaa in Wasiir Waran-cadde uu baa’biiyey Xisbigii UDUB, immikana uu u soo jeestay baabi’inta Qaranka Somaliland, isaga oo ka jawaabayey eedaymo uu Waran-cadde maalin ka hor u jeediyey UCID iyo WADDANI.

Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee WADDANI Axmed Maxamed Filan-waa, isla-markaana hore u ahaa Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumaddii Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin, oo maanta la hadlay Telefiishanka Qaranka Somaliland (SLNTV), ayaa si adag u weeraray Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed, isaga oo tilmaamay in hadalkaasi isaga ku kooban yahay, isla markaana aanu ku matalin Xisbigooda.

Axmed Maxamed Filan-waa, waxa uu sheegay inay aad uga xun yihiin hadal Axmed Muumin Seed ku weeraray Wasiirka daakhiliga, kaasi oo macnaha uu gudbinayey u ekaa mid lagu beeninayey hawlgallo amni daro oo Wasiir Waran-cadde doraad ku sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay ka wado gudaha Somaliland.

Guddoomiye Filan-waa oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Annigu waxaan ahay Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Xisbiga Waddani, waxaan doonayaa inaan u jawaabo hadalkii Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Waddani, oo isla Waddani nahay Axmed Muumin Seed, hadalkii ka soo yeedhay ee uu ku durayey Cali Waran-cadde, xisbigu hadalkaa xaal ayuu ka siinayaa (Cali Waran-cadde) oo raalli-galin ayaannu ka bixinaynaa, sababta oo ah siyaasaddu maaha in wixii Qaranka wax yeelaya, ama qof waxyeelaya (in lagu hadlo maaha). Dadbaa odhanaya waxbuu ka doonayaa haddii aan idhaahdo Wasiirka ama xukuumadda sidaa ka daaya, inaanan xukuumadda waxba ka doonayn ayaa ILAAHAY IGU OGYAHAY oo hadalkaa aan guddoomiye ku xigeenkayaga ku durayo waxba kuma doonayo oo xisbigii ayaaban ahay.”

Filan-waa, waxa uu difaacay Wasiir Waran-cadde oo uu sheegay inuu sharaf iyo karaamo ka mudan yahay xisbiga Waddani, waxaanu yidhi; “Cali Waran-cadde hadduu yidhi Madaxwayne Xasan Sheekh wadahadalladii ayuu buriyey oo cadow ayuu nagu soo faruuray oo lacag buu soo bixiyey, Axmed Muumin Seedow maxaad ku qoonsatay, haddaad taa qoonsanayso (Axmed Muumin Seed) adigaa in Maxkamad lagu soo taago istaahila, Guddoomiyihii xisbigu wuu maqan yahay, adiguna saddex bilood naga maqnayd ayaad timid oo aad shir jaraa’id qabatay, dadkiibaad naga didisay, inta Cali Waran-cadahaa aad durtay (Awgeed) kuu higaadinaysaa ciiddaasay ka badan tahay (ee shacabka ah).”

“Waddani wuxuu leeyahay Caqlabiyadda oo dadka oo dhan ayaa wada raacsan, barigii hore ee aad lixda bilood naga maqnaydna maalintaad timid ayaad sidaa oo kale dadkii nooga didisay, waxbaad durtay, markaa waxa dadka didinaya ha inagu odhanin. Cali Waran-cadde, xisbiga Waddani isagaa dhaliyey markuu ururka ahaa, 47000 kun oo cod ayuu ka soo hooyey Sabawanaag, Cadaadley iyo Gacan-libaax, waynu xaq-dhowraynaa, xisbiga wuxuu ku leeyahay sharaf, isagaana soo hooyey guulihii ugu waaweynaa, isagaana lahaa guulihii ugu waaweynaa, dee innaga tagye barriba soo hoo adigu ayaan idhi annigu  (guulihii uu keenay oo kale).” Sidaa ayuu yidhi Axmed Maxamed Filan-waa.

Guddoomiyaha Guddia arrimaha gudaha ee Xisbiga WADDANI, wuxuu weeraray Xisbiga UCID, waxaanu yidhi; “Haddii aan fiiro dheer laga yeelan Rag aan ogahay oo UCID jooga, Xisbigeennaa WADDANI god bay uga tallaabsan doonaan, maantana intay hoggii u qodeen ayay uga tallaabsanayaan WADDANI..fartana waan garanayaa oo Axmed Muumin Seed-na muu odhan jirin, teennii WADDANI-na maaha, waa tii Jaarkeenna.” Sidaa ayuu yidhi Filan-waa.

Falan-waa oo hadakiisa sii wataa waxa uu yidhi; “Caagga Biyaha ah ee Buuxa iyo ka dhiman la iskuma dhufto, Waddani halkuu taagan yahay waynu ognahay, Musharaxa ka iman doonaana halka uu taagan yahay waynu ognahay, Musharixiintii ka soo baxaysay UCID-na siday ahaayeen waynu isla wada ognahay, markaa in annaga waxayagii god lagu guro waar ka daaya ayaan idhi, Maalintii (la sameeyay) guddidaa xidhiidhinta ee wax wada saxeexaysa ee wax wada odhanaysa.. waar innaga maxaa UCID qoorta inoo galiyey, saddex jibbaar ayaynu codka shacabka nahaye ee maxaa UCID qoorta inoo galiyey ayaanu fulinta isku haysanaa, oo aanu qaarkood isku jiidhay, oo qaar igu raaceen, imikana waxaan leeyahay farteenii maaha.”

Filan-waa oo sii hadlaya waxa kale oo uu yidhi; “Haddii uu Wasiirku yidhi xog ayaanu cadowga ka helnay maxaad adigu ku qoonsatay, ina Muumin Seedow adigaa istaahila in Maxkamad lagu saaro, Maalintii Raysal-wasaaraha Soomaaliya jawaabayey iyo maalintaad adigu jawaabaysay isku mid ayay ahayd, xaggaana adiga ayaa uga dhow ayaan annigu qabaa, Waddaniyadda adigu tixgali, haddaad isaga xumaan ku riixayso, fartaadaasaa u dhow (Soomaaliya).”

Guddoomiye Filan-waa, waxa uu sheegay in Wasiir Cali Waran-cadde ka mid yahay shakhsiyaadkii xisbiga Waddani u soo halgamay “Ragga aanu guddida wada nahay waan u sheegay, afkaan uga sheegay, waxaan leeyahay adigu waxaad tahay Muwaadin, Wasiirkaasina waa muwaadin, dhammaanteen muwaadiniin ayaynu nahay, kuwa UCID siyaasadda ayuunbaa ka qalqaloocatay, bahashanna (Siyaasadda) umaynaan dubmin oo ka rido ayaa ina wada faquuqday, iimaanka ayaynu qabno ayaa wanaagsan, xadka in la jiidhana maaha, waar Cali Waran-cadde xisbiga Waddani sharaf ayuu ka mudan yahay, isaga oo urur ah raggii xisbiga ka dhigay ee u soo halgamay ayuu ahaa, xukuumi ha ahaado oo wasiir ahaado, laakiin marka aynu dibadda ku aragno iyo meel walba sharaf ayuu innaga mudan yahay.” ayuu yidhi, isaga oo intaasi raaciyey inaan Waran-cadde baa’biinin xisbigii UDUB “UDUB isagu muu baa’biin adigu maad ogeyne (Cali Warancadde), wixii baa’biiyey annagaa ogeyn, isaguna wuu ogyahay, laakiin adigu waxba ma ogid, markaa waxaan leeyahay Cali Waran-cadow hadalka Axmed Muumin Seed waanu kaa xaal siinaynaa.”

Filan-waa, waxa kale oo uu tilmaamay inay faaf-reebaan hadallada ay ummadda u jeedinayaan Masuuliyiinta xisbigu, balse Axmed Muumin Seed aanu cidna la tashan markii uu qabtay shirka jaraa’id ee uu ku weeraray Wasiir Waran-cadde “Guddoomiyihii wuu maqan, marka la hadlayo faaf-reeb ayaanu samaynaa, laakiin xubnihii fulinta ee hogaaminta ayuu la tashaday.”ayuu yidhi Guddoomiyaha guddida Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee xisbiga Waddani Axmed Maxamed Filan-waa.