Wasiir Xirsi Muxuu ka yidhi guulaha uu ka gaadhay Safar laba ujeeddo lahaa oo uu Ingiriiska kaga soo laabtay?

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji xasan oo safar shaqo iyo hawlo gaar ah-ba ugu maqnaa dalka Ingiriiska, ayaa galabta ku soo laabtay dalka, waxaannu ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ee Cigaal, oo si diirran loogu soo dhaweeyey.

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada waxa si diirran halkaasi ugu soo dhaweeyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno, Salaaddiin iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Xukuumadda iyo dadweyne kale. Soo dhawayntaa ka dib Wasiir Xirsi, oo qolka nasashada ee Madaarka Warbaahinta ugu warramay, ayaa sheegay in uu si weyn uga mahad-celinayo Jaaliyadda Somaliland ee London oo uu tilmaamay in si diirran ay u soo dhaweeyeen, isla markaana ay door laxaad leh ka qaateen hawshii qaadhaan-ururinta waddooyinka ee ay halkaasi u tageen.

Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu sheegay in reer London ay Guddida qaadhaan-ururinta waddooyinka ku wareejiyeen Deeq lacageed oo kala ah 157,000 oo Giniga Lacagta Ingiriiska ah iyo 300,000 kun oo Doollar-ka Maraykanka ah, taasoo dadka London ku nool oo kaliya ay kaga qeyb qaadanayaan dhismaha waddooyinka dalka.

Wasiir-Xirsi1

Waxaanu Wasiirka Madaxtooyada Somaliland intaa ku daray in hawsha qaadhaan-ururinta in uu kaga yimi Guddigii halkaas ay wada tageen oo marka ay dhammeeyaan qaadhaan-ururinta gudaha Ingiriiska ugu sii gudbi doona dalalka kale ee Yurub. Waxaanu u mahad-celiyay qurbo-joogta Ingiriiska oo kaalin shariif ah ka qaatay qaadhaan-ururinta waddooyinka.

Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxa uu sheegay in dhismaha waddooyinku ay yihiin tiirarka horumarka waddamada dunidu ay ku gaadhaan horumarka maaddaama oo ay yihiin waxa isku xidha guud ahaan gobollada iyo dagmooyinka dalka, waxaanu intaasi raaciyay in inkasta oo dhaqaalaheennu uu yar yahay haddana haddii lays kaashado wax kasta la qabsan karo, isla markaana Xukuumadda ay ka go’an tahay dhammaystirka himilooyonka horumarinta dhammaan waddooyinka dalka.

Wasiirku waxa uu sheegay in waddo kasta oo dalka laga dhisaa ay faa’iido weyn u leedahay bulshada, Xukuumaddana ay isku mid u yhiin dhammaan waddooyinka dalku. Sidoo kale, waxa uu Wasiirka Madaxtooyadu tilmaamay in uu soo dhammaystay waxbarasho Jaamacadeed oo uu ku qaatay Jaamacad ku taal dalka Ingiriiska.

“Waxay ahayd Saacado Kooban ka hor kadib markaan ka soo degay gegada Diyaaraduhu ka haaddaan ee Cigaal International Airport, Waa Illaahay Mahadii haddaan Dalkaygii ku Soo Nabad Noqday anigoo muddo kooban ka maqnaa una maqnaa, waxay ii ahayd farxad iyo dareen gaar ah in aan arko wajiyo badan oo gacaltooyo ka muuqato.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan sida uu ku baahiyay qoraal xog-warran ah oo lagu daabacay Mareegtiisa guusha.com.

Wasiirka Madaxtooyada waxa uu intaas ku kabay; “Waxaa laga jooga muddo bil ku siman ka dib markaan dalka dibadiisa ugu baxay Waxbarasho iyo dardar galin Jaaliyada reer Somaliland ee ku nool qurbaha taas oo ku aadan hirgalinta Jidka isku Xidhi doona Burco iyo Ceerigaabo.Waxaan kala Soo Kulmay Qalbi Wanaag, Qiiro Muwaadinimo iyo Gacan Irmaan, dhamaantood waxay cod dheer ku sheegeen in ay cashar ka barteen dalalka horumaray ee ay ku dhex nool yihiin, waxaan isla garanay in safar kasta oo dheer talaabo kaliya ka unkamay. Dawladeena Somaliland waa dal iyo dad isku tashaday waa dad fahmay in aanay jirin cid gacan lagu Rimin Karo balse duco iyo dedaal is huwan guusha iyo horumarku ku jiro.”

“Shacabka Xariirta ah ee reer Somaliland waa Cashar nool oo Caalamka Baraya qiimaha dadka isku tashada ay leeyihiin, iyaga oo aan Caalamka ka helin Deeq iyo dayn toona ayey dhisteen dal iyo dawlad dhamaystiran!.”ayuu yidhi  Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Wasiirku waxa uu sheegay in xukuumadda uu ka tirsan yahay ay si weyn isu barbar taagayso deegaan kasta oo ka shaqaynaya horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, waxaanu yidhi “Waa hubaal oo jidad badan ayaa ka socda dalka goboladiisa iyo degmooyinkiisa kala duwan, waxaan uugu bushaaraynayaa cid kasta oo wanaaga jecel in Xukuumada maanta talada dalka haysaa ay ka go’an tahay in ay is barbar taagto garab buuxana ka siiso cid walba oo ku hawlan hirgalinta Waddooyinka iyo guud ahaanba horumarka wajiyadiisa kala duwan. Waxaan Cadaynayaa in aanay jirin jid ama Waddo mid kale lagu gawracayo ama loo joojinayo ee yaanay dhicin in warxumo tashiil qalbigiina raadeeyo, yaanay dhicin in qof xasad ah bulshadeena isku duuban ku dhex abuuro tartan aan caafimaad qabin iyo naxli, yaanay dhicin in uu ku idhaa Walaalka yuuna jid helin ee kaaga uun hel.”

“Waxaan idinku dardaaraya in xaaladeenu noqoto (WIN WIN SITUATION) oo aad guusha walaalka u aragto guushaada , shilinkaagana aad ku bixiso qalbi fiican, oo aad ogaato halkii aad ku bixisaba in ay dalkeenii uun tahay Allena Insha Allah Ajar kaaga qorayo. Guud ahaan waan idiinka mahadcelinayaa qalbiga fiican ee aad igu qaabisheen iyo ducadiinii joogtada ahayd. Somaliland Guul iyo Gobonimo. Wa Bilaahi Tawfiiq.” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Wasiirka Madaxtooyadu.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.