Ujeeddada Socdaalk Nicholas Kay ku joogo Gaalkacyo

 

Gaalkacyo(Aftahannews):- Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa maanta gaadhay magaalada Gaalkacyo, ka dib markii uu ka ambobaxay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland; halkaasoo uu kulammo kula qaatay madaxda iyo Isimada Puntland qaarkood.

Socadaalka uu Gaalkacyo ku tegay Nicholas Kay, ayaa ah tii ugu horreeyay oo uu ku tago Gaalkacyo tan iyo markii la magacaabay Ergeyga, waxaana si diirran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ee loogu magac-daray C/llaahi Yuusuf, halkaasoo ay ku qaabbileen Masuuliyiin iyo dadweyne kale.

Sida la sheegay Nicholas Kay wuxuu Gaalkacyo kulama kula yeelan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ka mid yihiin Madaxda Dhaqanka, Musharrixiinta u taagan xilka Madaxtinnimo ee Puntland iyo qeybaha Bulshada, isagoo kala hadli doona dhammantood marxaladda xilligaan kusoo fool leh Puntland ee la waajahayo ee doorashada.

Ugu horreyn wuxuu la shiri doonaa Siyaasinta Xubnahooda xilligan u taagan tartanka doorashada Puntland, isagoo marka xigtana la kulmi doona Isimada Puntland qaybtooda jooga Gaalkacyo. Ugu dambeyn-na uu la kulmi doono Bulshada rayidka ah ee Gaalkacyo, waxaana dhamaantood ay isla soo qaadi doonan arrimaha doorashada iyo sidii xubin kasta ay ugu qayb-qaadan lahayd doorka kaga aaddan sidii ay si nabad ah ugu dhici lahayd doorashada Puntland.

Safarka Ergayga Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya uu maanta ku tagay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa kusoo beegantay xilli dhawaan Musharrixiinta Puntland ee jooga Gaalkacyo ay kulan la qaateen Ergayga UNSOM ee Puntland.

Socdaalka Kay ee uu ku joogo Puntland ayaa lagu sheegay inuu qaadan doono saddex maalmood, waxaana Safarkiisu uu noqonaya kiisii saddexad ee uu ku tago deegaannada Puntland, marka laga reebo Gaalkacyo oo uu hadda socdaalkiisii ugu horreeyey uu ku joogo.