Madaxweyne Siilaanyo oo Tacsi u diray qoyskas dad sababo kala duwan u dhintay

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa tacsi u diray qoysaska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland oo uu ka tacsiyadeeyey shan qof oo ku dhintay shil Baabuur oo maanta ka dhaxay jidka isku xidha magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale, Tacsi u diray Cumar Carte Qaalib iyo qoskiisa oo uu ka tacsiyadeeyey geerida ku timi Allaah ha u naxariistee Xaaskiisii Marxuumad Shukri Jirde Xuseen oo ku geeriyootay Sucuudi Arabia 21/11/2013. Waxaanu Madaxweynuhu Marxuumiinta kala duwan ee geeriyooday Illaahay uga beryey inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo, Samir iyo Imaan Saadiq ah ka siiyo qoysaska, ehelada, asxaabta, qaarabada iyo Shacabka Somaliland ee ay ka baxeen.

Waxa sidaa lagu sheegay laba War-Saxaafadeed oo xalay ka soo baxay Qasriga Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa, kuwaasoo lagu faahfaahiyey labada Tacsiyadood ee uu Madaxweynuhu kala diray, waxaanay qoraalka labadaa Tacsiyadood oo aannu isku darnay u dhignaayeen sidan:-

“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Eheladii, Qoysaskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan Shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geeridii ku timid Alle ha u naxariistee 5 qof oo Muwaadiniin ah oo isku dhac shil baabuur ugu geeriyooday 21/11/2013 agagaarka Tuulada Xamaas ee duleedka Berbera.

ALLAAH ha u naxariistee Muwaaddiniintaasi waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Illaahay uga rejeeyey inuu naxaristii Janno ka waraabiyo Eheladii, Qoysaskii iyo qaraabadii ay ka tageena Illaahay samir iyo iiman ka siiyo. Waxaanu Madaxweynuhu caafimaad Illaahay uga rajaynayaa dhamaan dadkii ku dhaawacmay shilkaasi in uu caafimaad sareecana uu siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa Cumar Carte Qaalib isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Xaaskiisii Marxuuma Shukri Jirde Xuseen oo ku geeriyootay Sucuudi Arabia 21/11/2013.

Sidoo kalena waxa uu Madaxweynuhu tacsi taasi la mid ah u dirayaa Dhamaan Qoyska reer Carte qaalib waxa kale oo uu tacsiyadaynayaa Eheladii iyo Qaraabadii ay ka baxday marxuumadu. Madaxweynuhu waxa uu ILLAAHAY  uga baryayaa Marxuumadda inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii ay ka baxdayna Samir iyo Imaan ka siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.