Nuxurka Kulan dhex-maray Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Guddida Taageeridda Horumarinta ee Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta (OECD) oo Hargeysa yimi

Hargeysa(Aftahannews):- Erik Solheim oo ah Guddoomiyaha Guddida Taageeridda Horumarinta ee Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta (OECD), ayaa maanta booqasho ku yimid Hargeysa waxaanu joogi doonaa illaa 27-kii October 2013.

Sidaa waxa lagu sheegay War-Saxaafadeed ka soo baxay qasriga Madaxtooyada Somaliland galabta, waxaanu qoraalka warkaas oo dhammaystirani u dhignaa sidan:- “Erik Solheim oo ah Guddoomiyaha Guddida Taageeridda Horumarinta ee Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta (OECD), ayaa maanta booqasho ku yimid Hargeysa waxaanu joogi doonaa illaa 27-kii October 2013.

Booqashada Solheim waxay diiradda saaraysaa heerka laga marayo fulinta Heshiiska Cusub ee loo yaqaan“New Deal” ee lagaga Hawlgalayo Waddamada Curdinka ah iyo caqabadaha horyaalla Heshiiska.

Heshiiskan Cusubi waa qaab-dhismeed loo hindisay in laga tilmaan qaato si iskaashiga u dhaxeeya dalalka colaaduhu saameeyeen iyo saaxiibadooda iskaashiga ee caalamiga ah ee ka caawiya nabadda iyo qaran-dhisidda looga dhigo mid wax-ku-ool ah. Heshiiskan Cusub ee New Deal-ka loo yaqaan waxa bilaabay in ka badan 40 waddan iyo urur bishii Diisambar 2011kii.

Md. Solheim wuxu la kulmay Madaxweynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Silaanyo, wuxu sidoo kale la kulmayaa madax sare oo xukuumadda ah, xubno ururada bulshada rayidka metelaya,  xubno ganacsiga gaarka loo leeyahay ka mid ah iyo xubno ka tirsan bulshada caalamka. Wuxun kaloo  booqanayaa mashaariic horumarineed oo halkan ka socda kuwaas oo lagu horumarinayo xoolaha nool iyo kuwa dib loogu habaynayo xafiisyada dawladda.

“Waan ku faraxsanahay in aan wax ka barto horumarka muhiimka ah ee ka hirgalay Somaliland iyo lexejeclada wax-wada-lahaanshaha ah ee ka muuqata heer walba oo bulshada Somaliland ah. Tani waxay inoo bidhaaminaysaa in la sii wado guulaha la gaadhay iyo horumar waara oo la sameeyo iyadoo uu fullinta Heshiiska Cusubi bilaabmay. Waxan ku boorinayaa saaxiibbada iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland in ay sii wadaan taageero xooggan oo ay u fidiyaan dadka Somaliland” ayuu yidhi guddoomiye Solheim.

Md. Sulheim wuxu madax sare oo dawladda ah la falanqeeyey qaababka loo sii horumarin karo Hannaanka U Gaarka Ah Somaliland (Somaliland Special Arrangement), hannaankaas oo lagu heshiishay in uu qayb ka noqdo Heshiiska Cusub ee Soomaalida Shirkii Brussels (16kii Sebtember).  Heshiiskaasi wuxu saacidayaa in saaxiibada iskaashiga ee caalamiga ahi qaab-dhismeed istiraatiji ah ku waajahaan taageeridda qodobada ahmiyadda u ah Qorshaha Horumarinta Somaliland. Wuxu seeska u dhigayaa mabaa’diida lagu shaqaynayo, qaab-xisaabkeedka iyo hababka hawsha la isugu duwayo loona kormeerayo.

“Waan soo dhawaynayaa samaynta Hannaanka U Gaarka Ah Somalialnd” ayuu yidhi Solheim. Wuxu sii raaciyey “Xukuumadda iyo saaxiibbada iskaashiga ee caalamiga ah wax badan baa ugu jira in ay diirradda saaraan isla markaana dedaalkooda isugu duwaan qaab-dhismeed istiraatiji ah iyo in ay raacaan mabaadii’da iyo ballan-qaadyada Heshiiska Cusub iyo heshiisyada kale ee caalamiga ah ee loogu talo galay caawimada iyo horumar wax-ku-ool ah.”

Erik Solheim wuxu hoggaanka u qabtay Guddida Taageeridda Horumarinta ee loo soo gaabiyo (DAC) bishii January 2013, jagadan oo si aan kala-hadh lahayn loogu doortay. Guddidan la yidhaa DAC waa gole caalamiya oo ay ku bahoobeen deeq-bixiyayaasha ugu waaweyn isla markaana ay xubno ka yihiin 29 dawladood; Bangiga Adduunka, hay’adda lacagta ee IMF  iyo UNDP ayaa iyaguna xubno goobjoogeyaala ah.

Md. Solheim wuxu xilkan qabtay kadib markii uu hore u soo qaybtay Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Caalamiga ah 2007-2012; sidoo kale Wasiirka Hourmarinta Caalamiga ah 2005tii ilaa 2007dii.  Md. Solheim muddadii uu shaqooyinkan hayey wuxu awoodda saarayey muhiimadda ay leedahay ka hortagga khilaafaadka. Sidoo kale wuxu ahaa wada-xaajoodiyihii gadhwadeenka ka ahaa hannaankii loo maray heshiiskii  Sri Lanka wuxuna ka qayb-qaatay geeddi-socodkii nabada ee Burundi, Nepal, Myanmar iyo Suudaan.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.