Madaxweynaha Soomaaliya oo ka baaqday shir laga sugayay una diray Guddoomiyaha Baarlamanka

Kuwait(Aftahannews):-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,ayaa ka baaqday shir lagu marti qaaday oo ka furmay maanta dalka Kuwaid bedelkiisana u diray wefti uu hoggaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo wefti  uu hoggaaminayo oo shirka uga ayb gala Soomaaliya isla markaana ka wakiil ahaada Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Weftiga  guddoomiyaha oo  ka qayb galaya shirka iskaashiga iyo maalgashiga ee madaxda dalalka Afrika iyo kuwa Carabta oo maalinta beri ah halkaas ka furmaya.

Shirkan oo lagu waday inuu ka qaybgalo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud, ayaa la sheegay inuu uga baaqday sababo la xidhiidha  khliaafka ka dhexeeya Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon

Wadamada Afrika oo u baahan maalgelinta carabta ayaa dal kastaaba   waxaa uu shirkaas ku soo bandhigi doonaa fursadaha maalgeshi ee uu leeyahay sida warshadeynta, ganacsiga iyo wax saarka  noocyada kala duwan ee kheyraadka.

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland