“Waxa innoogu wacan aqoon-darrada gaadiidka lacagtii gaadhiga lagu Iib-sanayay oo ka soo horraysay aqoontii ..”

Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi-Cukuse

Somaliland oo markii u horreysay laga xusay Maalinta caalamiga ah ee Xasuusta Dadka Ku Waxyeelooba Shilalka Waddooyinka

 Hargeysa(Aftahannews):- Munaasibad lagu xusayey Xuska Maalinta Caalamiga ee Xasuusta Dadka ku Waxyeelooba Shilalka Waddooyinka, ayaa maanta markii ugu horeysay Somaliland si meeqaam Sare ah looga XusayXafladii loo sameeyey Xuska maalintan oo lagu qabtay Huteelka Empreial ee Magaalada Hargeysa, waxa soo qaban-qaabiyey Fu’aad Axmed Xuseen oo ah la-taliyaha Wasiirka hawlaha guud iyo Gadiidka Somaliland, isla markaana ah khabiir ku takhasusay shuruucda gadiidka iyo Waddooyinka.

Waxa ka soo qeybgalay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir kuxigeenka Wasaarada Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan,Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan,Guddoomiyaha Hay’ada Bisha Cas ee Somaliland Axmed Cabdi Bakaal, Guddoomiyaha Ururka Dhakhaatiirta Somaliland Dr.Cabdirashiid Xaashi, Wasiir kuxigeenka Wasaarada Hawlaha guud iyo Guryeynta Somaliland Cali, Saraakiil ka socotay Ciidanka ilaalada nabadgelyada waddooyinka Somalilanad iyo marti sharaf kale.

Fu’aad Axmed Xuseen oo ah la-taliyaha Wasiirka hawlaha guud iyo Gadiidka Somaliland, isla markaana ah khabiir ku takhasusay shuruucda gadiidka iyo Waddooyinka oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Shilalka Gaadiidka, ama Waddooyinka, taas oo ah maalin baroor diiq ah, oo loogu talogalay Caalamka guudkiisa in bulshada lagu baraarujiyo khatarta iyo khasaaraha ay shilalka Waddooyinka leeyihiin”.

“Waxa ILLAAHAY mahadii ah inay maanta halkan fadhiyaan 80% (boqolkiiba sideetan) hay’adihii dawladiga ahaa, ee ay arrimahani wada khuseynayeen. Waa wax ILLAAHAY loogu mahad-naqo waana horumar la gaadhay, in halkaasi laga sii waddo xafladaha loogu dabaal-dago xuska shilalka iyo arrimaha waddooyinka, maadama oo maanta markii ugu horeysay ee Somaliland lagu xusay xuska Maalinta Caalamiga ee xasuusta dadka ku waxyeelooba shilalka waddooyinka.” ayuu yidhi Khabiir Fu’aad Axmed Xuseen.

Waxaanu Fu’aad intaa ku daray oo uu yidhi; “Xuska maanta (shalay) la xusayo, run ahaan dawladaha Afrika wuu ku cusub yahay, oo sannadkii hore ayaa ugu horreysay inay si wada-jira u xusaan, maalintan caalamka ayey ku ladheen maalin loogu magac-dary Maalinta Shilalka Waddooyinka Afrika, iyada oo xasuustana la xusayo. Markaa, ILLAAHAY Idamkiisana inaynu taa ka mid noqonno oo aynu tartannada Afrika iyo kuwa Caalamka-ba ee arrimaha Shilalka Waddooyinka iyo khasaaraha gaadiidkaba ku saabsan oo aynu halkaasi ka sii wadi doonno oo aynu si wada-jira shuruucda iyo xeerarka u sii xoojin doonno.”

Guddoomiyaha Hay’ada Bisha Cas ee Somaliland Axmed Cabdi Bakaal oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi; “Maanta waa maalin qiimo weyn u leh umadda Caalamka, khaasatan umadda reer Somaliland inaynu xusno dhibaatooyinka ay shilalku ku hayaan caalamka, waayo waxaynu ka mid nahay Caalamka oo waxaynu nahay dal yar oo curdina, dhibaatooyin baddan ayeynu ku qabnaa shilalka gadiidka. Markaa in wax la iska weydiiyo oo aynu xusno waa muhiim”.

Bakaal waxa uu u mahad-celiyey Fu’aad Axmed Nuux oo soo qabanqaabiyey Munaasibadan lagu xusayey xuska Maalinta Caalamiga ee xasuusta dadka ku waxyeelooba shilalka wadooyinka oo ku asteysan sanadkasta 17-October, Wasaarada hawlaha guud iyo Gadiidka, waxaanu sheegay inay Hay’adaha Bisha cas iyo Laanqayrta cas ay qayb muhiim ah ka qaataan la-dagaallanka ka hor-tagga shilalka gaadiidka iyo dhinaca gargaarka deg-degga ah ee caafimaadka oo uu xusay inay door wax-ku-ool ah ka qaadato Hay’adda Bisha Cas.

Guddoomiyaha Ururka Dhakhaatiirta Somaliland Dr.Cabdirashiid Xaashi oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ka sheekeeyey dhibaatada iyo khasaaraha ay shilalka gadiidku bulshada u geystaystaan, “Arrintan aynu isugu nimid waa arrin muhiima oo sanadkii loo baahan yahay inaynu xusno, oo tallana la iskugu soo noqdo sidii shilalka ka imanaya Gaadiidka loo yareyn lahaa oo ah masiibo inagu soo korodhay oo marba sii kordhaysa,wakhtiyada qaar waxa dhibaato innagu hayey xabadda iyo dhaawacyada ka yimaada dagaalada,hasayeeshe waxaad maanta mooda in intii shan laabkeed inay inagaga dhimato shilalka ka imanaya gaadiidka oo magaalo iyo tuula walba saameysay. Taasna haddii aynaan qorshe iyo barnaamij ka sameysan waxay noqonaysa mid faraha ka baxda oo gaadhaysa wakhti aynaan waxba ka qaban karayn.”

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi; “Maanta (shalay) waa maalin aad iyo aad ugu qiima baddan Shacabka Somaliland,Ciidaan ahaana aanu wax baddana uga faa’iideysan karno, Waxyaabo baddan ayaa sababa inuu shilka gadiidku dhaco, waxaana ka kow ah Mobile-ka gacanta, waa masuuliyad-darro qofka gaadhiga wadaa inuu hadana Mobile-ka ku hadlo, waxa kale oo ka mida waxyaabaha shilalka keena iyada oo xawaare xoogan lagu wado gaadhiga.”

Taliyaha Booliska oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo yidhi; “Ciidaanka boolisku waxyaabo baddan oo ay wax ka qabteen ayaa jira,sida Xawaaraha dheeraadka oo waa la ganaaxa gaadhiga isaga oo xawaare ku wada la qabto,oo xeer ayaa la soo saarey intii xeerkaasi la soo saarey Ciidanka boolisku way ku reeyeen,waxa kale oo jira oo qorshaha aanu imika galnay uu yahay oo aan Wasaarada hawlaha guud iyo Gadiidkana aanu ka codsanaynaa,Gadiidka sida uu sheegayo qodobka 46aad ee Xeerka nabadgelyada waddooyinka waxa lagu sameyn jirey waxa la yidhaahdo sharibaad, macnaheeduna waxa weeye Sharibaad waxaad arkeysa gaadhi xumaaday oo suuqa iska maraya,ama indhihii burbureen ama daalay,kuwaas sharcigii waa lagu dhaqayaa oo waa lagu soo rogayaa.”

“Waxaan halkan uga sheegaya bulshada reer Somaliland inaanay qeybta nabadgelyada Waddooyinka oo kaliya ahayn Taraafik, in dhamaan Booliska Jamhuuriyada Somaliland inay yihiin taraafik oo ay la shaqeeyaan, waxaad arkaysa qof Askari boolis ahi ku yidhi waa khalad ee ha dhaqaaqin, oo uu qofku ku leeyahay ma Trafic ayaad tahay, markaa waxaan leeyahay ninkasta oo bileys ahi waa taraafik.” Sidaa ayuu yidhi Taliyaha Booliska Somaliland Sarreeye guuto Cabdillaahi Fadal.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Marwo Nimco Xuseen Qawdhan oo halkasi ka hadashaywaxay yidhi; “Waxaynu maanta (shalay) isugu nimid hawl ballaadhan, oo dhammaanteen dhib ku haysa haddii aynu nahay qaranka Jamhuuriyada Somaliland,waxaynu ognahay maalinkasta in kumanaan qof inay inagaga geeriyoodayaan, oo ay inagaga dhaawacmaan shilalka gaadiidka, oo uu reebo riiq dheer.”

“Annagu Wasaarad Caafimaad ahaan culeys aad u baddana ayaa nagala soo gudboonaataa, tii oo aynaan awoodeedii oo buuxda lahayn, waayo waxa mar-walba loo baahan yahay gurmad degdeg ah oo joogto ah, waxa loo baahan yahay qofka uu ku dhacay shilku, in goobtaas laga soo qaado oo loo fidiyo adeegi uu u baahna.Runtii waxaynu nahay qaran umaduuna shuruucda ay sameysato waxa qurux baddan inay sideeda u fushato oo loo daba istaago, waxaynu ognahay waxyaabaha ugu baddan ee sababa shilka inuu yahay darawalada Baabuurka wadda oo runtii masuuliyad baddan iska saarin gaadhiga ay masuulka ka yihiin. Waxaan halkan ka dhawaajinayaa qofka shil galaa ee ay ku cadaato inuu shilkaasi isagu masuuliyadiisa leeyahay waa in la ganaaxa sannad ama laba sannadood.” ayey tidhi Marwo Nimca Xuseen Qawdhan.

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Hawlaha guud iyo Gadiidka Cali oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ka sheekeeyey dhibaatada ay shilalka gaadiidku ku hayaan shacabka reer Somaliland, isla markaana loo baahan yahay inay yareyno shilalkaasi oo xad-dhaafa marka la qiyaaso tiradda dadka inagaga dhimata shilka iyo inta inagaga dhaawacan-ta, markaa shacab iyo xukuumad-ba waa in la iska kaashadaa sidii arrintaasi wax looga qaban lahaa.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa yidhi; “Waxaynu maanta (shalay) halkan u joogna intii shil gaadhi ku dhimatay inaynu xusno oo aynu is xasuusino inay ahaayeen dadkeeni, sabab muuqa oo aynu garanayno ILLAAHAY-na ku sababay u dhintay oo bini’aadamkuna wax ka qaban karayo. Waxaynu doonaynaa oo iyaduna meesha ku jirta inta aynu ka baqa qabno inay sidaas oo kale innagaga dhintaan.”

“Qofka gaadhiga wadaa isaga oo shakalka gaadhiga u tudhaya ayaa sababi karta inay nafdhami ku baxdo. Waxa innoogu wacan aqoon-darrada gaadiidka waxa inna soo hor-gashay lacagtii gaadhiga lagu iib-sanayay ayaa ka soo horraysay aqoontii gaadhiga lagu wadi lahaa. Markaa, lacagtaa inna soo hor-gashay, waxaan leeyahay aqoonta gaadhiga lagu wadayana waa loo baahan yahay ee lacagta intaad waxoogaa yar hayso gaadhiga baro, imtixaanka hallagaa qaado, Liisanka qaado, dabadeedna gaadhiga iibso.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi-Cukuse, waxaanu u mahad-celiyey Ciidammada nabadgelyada waddooyinka iyo Taliyaha Booliska Somaliland.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.