Wasiir Xaglo-Toosiye Oo Shaqadii Wasaaradda Caafimaadka Ku Soo Koobaya Fulinta Mashruuca Tallaalka

Warbixin: Freelance Journalist Cali Warsame

 Hargeysa(Aftahannews):- Dadweynha ku dhaqan Caasimadda magaalada Hargeysa oo si ba’an uga Deyriyay adeeg-xumada Dhakhtarka weyn ee Magaalada, Dhakhtarka oo ay ka muuqato dayac la’aan farabadan ayaa ay la’wadaagaan dhammaan goobaha Caafimaad ee gobollada waddanka.

Dadweynaha ayaa ah qaar aan ku qancin adeegyada kala duwan ee Goobahan caafimaad u qabanayaan, iyakoo Bixinaaya kharashaad la’mid ah ta ay ka Bixiyaan Goobaha Caafimaad ee gaarka looleeyahay.

Wasiirka wasaarada Caafimaadka iyo Agaasimaha Guud ayaa ah qaar ku mashquulsan fulinta Mashuuraca Talaalka  iyo Arimo Siyaasadeed oo ka BaxsanSiyaasada Caafimaadka, wasiir Xalo toosiye oo gabi ahaan aan ka warhayn xaalada shaqo ee Dhakhtarka Guud ee caasimada magaalada Hargeysa, waxayna sababtay in Masuulkastaa oo ka hawl-galaa Dhakhtarka weyn ee Hargeysa u isticmaalo awoodiisa sida uu doono,  Dhakhtarka weyn oo noqotay Goob ay liciifisay maamul xumo iyo musuq-maasuq , halkaas oo ay gabi-ahaanb  ka baxday u adeegii bulshada.

Dhagaxa cas ee calaamada u ah Xukuumada Axmed Maxamed Siilaanyo yaa ilaa imka aan soo gaadhin Dhakhtarka weyn ee Hargeysa iyo Goobaha kale caafimaad ee wadanka kuwaas oo ay ka muuqato Dhismayaashoodu Dayac La’aan badan.

Caafimaadka oo ah qeyb aad u muhiim ah marka laga hadlaayo nolosha Aadamaha asaaskooda. Wasiirka Xaglo Toosiye iyo Agaasimihiisu oo ilaa hadda aan wax talaabo Horumarineed aan ka qaadin dhamees tirka adeegyada Caafimaad ee Wadanka, iyadoo wali lagu shaqeenaayo Goobo aad u duugoobey iyo waliba qalab aan tayadiisu fiicnayn. Mashruuca Talaalka oo Bishii laba Jeer laga Qabto dhamaangobolada wadanka ayaa ah Mashruuca Saraakiisha Caafimaadka aad ugu hadal haynta badan-yihiin, iyadoo wasiirka iyo agaasimihiisuba ay ilaawayn shaqadii kale ee Wasaarada Caafimaadka. Halka wasiirku aanu inta badan aan ka soo ag wareegin Wasaarada iyo Goobaha kale ee Caafimaad.

Freelance Journalist

Cali Warsame

Hargeysa/Somaliland.