Al-Shabaab oo Sheegatay Soomaali maanta ku dhintay dagaalka Suuriya

Hargeysa(Aftahannews):- Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya, ayaa sheegatay inuu ka tirsanaa nin Soomaali ah oo maanta lagu dilay dagaallada ka socda dalka Suuriya, isla  markaana ka bar-bar dagaallamayay Mucaaridka ka soo horjeeda Maamulka dawladda Maaxweyne Bashaar Al-Asad.

Kooxda Al-Shabaab oo ku baahisay warkana Warbaahinta taageerta, ayaa sheegtay in hal nin kaga shahiiday dagaalka ka socda dalka Suuriya maanta ahayd, kaasoo ay sheegeen inuu ku dhintay waddanka Suuriya gaar ahaan Magaalada Xalab.

“Cismaan Al-Soomaali ayaa ku shahiiday dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Xalab degmada Talal-caran Allaha ka aqbalo shahaadadiisa.” ayaa lagu yidhi warka ay kooxda Al-Shabaab ku baahisay warbaahinta Afkeeda ku hadasha.

Maaha markii ugu horraysay ee la soo sheego Soomaali ku dhintay dagaalka ka socda dalka Suuriya. Waxaana dhawaan soo baxay war kale oo sheegayay laba Hablood oo walaalo ah kana yimi dalka Sweden inay ka mid noqdeen Soomaalida ku biirtay dagaalka ka socda dalka Suuriya iyagoo garab-siinaya kooxaha kacdoonka wada ee ka soo hor jeeda Maamulka Madaxwyne Bashaar Al-asad.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.