Aadan-Dhoolla-yare oo dhalliilay Shirka Axsaabta Mucaaridku qaban-qaabinayaan Qabashadiisa

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirkii hore ee Cadaaladda Somaliland Md. Aadan Axmed Cilmi (Aadan Dhoolayare), ayaa dhaliilay shirka labada xisbi mucaarid ay abaabulayaan oo uu tilmaamay in aan wali lahayn magaciisa sugan.

Aadan-Dhoolla-yare waxa uu sidaa ku sheegay War-Saxaafadeed uu shalay soo saaray oo uu Warbaahinta u kala diray. Waxaanu cambaareeyay weerarkii lagu qaaday Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed oo toddobaadkii hore ka badbaaday isku-day dil. Qoraalka War-Saxaafadeedka uu soo saaray Aadan Axmed Cilmi (Dhoolla-yare) waxa uu u dhignkaa sidan:-

“Waxaan jecelahay, inaan qormadan ku soo qaato laba arrimood oo beryahan dambe ku jiray warbaahinta ,majlisyada iyo goobaha lagu kulmo dabcan goobahaasi maaha dalka gudihiisa oo keliya waxaa la wadaaga meel kasta oo ay joogaan reer Somalilaand .weynu garan kara kollay haddana waxaa doodahaas ka qayb qaata Soomaalida kale.

Waxaan marka hore cambaaraynayaa falkii foosha xumaa ee lagula kacay Mujaahid Maxamed Kaahin,oo runtii ahaa waxay shacabku ka cadhoodeen,Xukuumadana waxaan u soo jeedinaya inay gacan bir ah ku qabato arimaha noocaas oo kale ah.

Qodobka labaad.waa dooda ka soocota dalka ee ah arrin aan weli magac laysku raaco lahayn marba wax loogu yeedho ,Dood qaran,tallo qaran, shir qaran. Waxay ka soo bilaabatay talladii ay soo jeediyeen odayaashii la baxay toosinta qaranka,imakana fikirkii ku soo xawilay axsaabta mucaaradka .Waxaad ku arkaysa warbaahinta mucaaradkii oo ka gubanaya arintan oo leh been abuur ayaa nalgu sameeyay oo xataa masuuliyiinta ku hadlaya afka mucaaradku midba magac ku sheegayo qaar waxay leeyihiin dood qaran kuwa kale shir qaran ,tallo qaran.

Waxaad garan kartaa inaanu jirin wax laysku raacsan yahay oo qoloba magac bay ku sheegaysaa taasi waxay keentay jahawareer ka dhashay shacbka dhexdiisa. Taas macnaheedu waxaa la dareemi karaa inaan si fiican loo lafo gurin layska arag ujeedada waxa ay doonayaan mucaaradku iyo waxa ka dambeeya.

Waxa aynu ognahay waajibaadka ay cid walba ku leedahay dastuurka waxa mucaaradka ay tahay doorkoodu inay dhaliilaan,soo jeediyaan,cambaareeyaan talooyin u soo jeediyaan xukuumada laakiin haddii ay xukuumadu ka hoos qaadi weydo xaq uma laha inay ku qabsadaan midida daabkeeda Xukuumada .

Waxaan xukuumada xaq loogu lahayn in lagu qabsado kaalinteeda talladana loo daayo wakhtiga uu dastuurku siinayo ,talladana lama wada laha ee cidbaa loo dortay innagana waxaa inagu waajib ah in lagu ixtiraamo madaxweynaha iyo xukuumadiisa .

Haddii aan laysku qadarin kala dambaynta oo aan is idhaa layma dhaamo waxa aynu gelayna khal khal. Ha fahmaan mucaaradku doorkooda,waxaynu ognahay in wax badan ka dhiman yihiin mucaaradka loogana fadhiyo wax ka balaadhan inay soo bandhigaan waayo waxa shacabku tebayaan kaalintii mucaaradnimo.

Waxynu ognahay in shir gudoonka baarlabaanka looga fadhiyo inay hawl geliyaan golaha oo ay dhamaystiraan sharciyo fara badan oo qabyo ah sida xeerka caasimada, bangiyada,doorashooyinka lama tiring karo.

Waxaan ku soo gaba gabynaya mucaaradku ha ku ekaadaan soo jeedintooda taladana ha u daayaan xukuumada ,dabcan mucaaradku way qabsan karaan shirar u gaar ah oo ay kaga doodaan kolba wixii ay dan moodaan oo ay talooyin ka soo jeedin karaan iyo qoraalo laakiin xukuumada kuma qasbi karaan inay qaadato fikirkooda.-

Xukuumadana waxaan u soo jeedinaya,dal aan lahayn mucaarad ma horumaro dhaliilahoodana wixii loo arko macquul ee ka dhiman xukuumada qaadato.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.