Puntland Oo Ku Hanjabtay Inay Madaafiic Ku Burburin Doonto Taleex Haddii Khaatumo Shir Ku Qabsato

Taleex(Aftahannews):- Madaxwayne Ku-xigeenka Maamul-goboleedka Puntland Cabdi Samad Cali Shire, ayaa ku hanjabay inay burburin doonaan haddii wax shir ah lagu qabto hoolka shirarka magaalada Taleex oo ay doonayan inay shir ku qabsadaan kooxda la baxday Khaatumo State.

Madaxwayne Ku-xigeenka Maamulka Puntland oo ku sugan gudaha degmada Taleex oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay inaanay oggolayn wax shir ah oo ka dhaca magaalada Taleex oo illaa oggolaansho looga qaato  Maamulka Puntland.

Cor.Cabdisamad Cali Shire Madaxweyne kuxigeenka Puntland wuxuu ballan ku qaaday in Madaafiic lagu garaaci doono haddii wax kulan ahi uu ka dhaco Hoolka shirarka ee magaalada Taleex, isla markaana ay dhulka la simi doonaan dhismahaa iyo cid kasta oo ku jirta  qabatana shir ka dhaca halkaas.

Hase-yeeshee, Maxamuud Sheekh Cumar Xasan oo ku magacaaban Agaasimaha Wasaaradda arimaha gudaha Maamulka Khaatumo  oo dhawaanna Saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay in Maamulka Puntland uu fara-gelin ku hayo deegaannadooda, isagoo Puntland uga digay inay sii wado wax uu ku sheegay fara gelinta Khaatumo haddii ay joojin waayaanna ku hanjabay inay Puntland weerari doonaan.

Degmada Teleex, ayaa waxaa iminka dhex wareegayo Ciiddammo gaashaaman oo ay leeyihiin Maamulka Pntland, kuwaasoo baadi-goob ugu jiro raadinta goobo si qarsoodi ah loogu qabanaayo shir lagu magacaabo Khaatumo 3 oo maalmo ka hor la sheegay in uu ka furmay gudaha degmada Taleex.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.