Cunista Toonta oo la ogaaday in ay Dawo u tahay cudurro badan

Cilmi-baadhis caafimaad oo ay sameeyeen khubaro u dhashay dalka China ayaa daboolka ka qaaday in joogtaynta cunista toonta Qeydhiinka oo hortagto qaadista kansarka sababada ku dhaca.

Khubaradu waxay sheegeen in sidoo kale qofka toddobaadkii laba jeer cunta toonta qeydhiinka uu 44% ka badbaado inuu qaado cudurka kansarka, gaar ahaan kuwa nooca hab-dhiska neefsiga ku dhaca.

Cabista sigaarka oo 80% waxa uu sababa kansarka sambabada ku dhaca ayaa hadda daraasadan cusub iftiimisay in dadka caba sigaarku hadday isticmalaan toonta ay ka badbaadi karaan kansarka sababada asiiba.

Garlic

Daraasado hore waxay soo bandhigeen in toonta cunsiteedu ay difaacdo sambabada, gaar ahaan ay kansarrada nooc ka mid ah ka hortago, halka daraasad ay sammeysay jaamacada University of South Australia ay sheegtay in geed dhaqameedkan uu 30% daaweeyo cudurka kansarka.

Khubaradan ka tirsan xarunta xakamaysa cudurrada ee gobolka Jiangsu ee dalka China waxay is barbardhigeen 1,424 bukaan oo uu hayo kansarka iyo 4,500 caafimaad qaba, kuwaasoo qof kasta lala soconaayey cuntadiisa iyo waxa uu jecel yahay inuu quuto, waxaana ku jirtay sida toonta ay u kala isticmalaan.

Natiijada soo baxdayna waxay noqotay dadka quuta toonta qeydhiinka toddobaadkii laba jeer in aanu ku dhicin cudurkan haddii xataa ay aad u cabaan sigaarka, balse waxaan ilaa hadda caddayn in toonta karsan ay faa’iidadaas oo kale leedahay.

Daraasad tan ka horraysay waxay qedka soo dhigtay in toonta ay ku jirto walax kiimikaad oo la yidhaa Allicin oo jidhka si toos ah u gasha marka la cuno, kana hor tagta waxyaabo badan oo dhib u keeni lahaa qofka caafimaadkiisa..

Diyaariye-C/qaadir Askar

askars4@hotmail.com

Aftahannews.com