“Somaliland Laba Jeer Ayaan Isu-Soo Taagay Inaan Madaxwayne Ka Noqdo….Midnimada Soomaaliya Inaan Aamminsanahay Waxa Caddaynaysa….”

Dawladda Soomaaliya Maxay ka tidhi dib-u-dhaca ku yimi Shirkii wadahadalka iyaga iyo Somaliland?

“Waxaan rejaynayaa in ummadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba garato in midnimadu awood tahay,  caalamkuna isku soo ururayo….” Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan

Nairobi(Aftahannews):- Raysal-wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka arrimaha dibeda Soomaaliya Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa markii ugu horreysay ka badheedhay mowqifka ay ka taagan tahay Midnimo dhex-marta Somaliland iyo Soomaaliya.

Fowziyo-Yusuf

Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, oo ah Muwaadinad reer Somaliland, oo Magaalada Nairobi wareysi ku siiyay Telefiishanka Universal, ayaa sidoo kale ka hadashay sababta ay u baaqdeen wejigii shanaad ee Wadahallada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanay sheegtay inay xaggooda ka baaqdeen, sababo la xidhiidha hawlaha oo ku badan awgeed.

Wasiirka arrimaha dibedda dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, oo ugu horreyn ka hadlaysa baaqashada wejigii shanaad ee Wadahadallada labada dhinac, waxa ay tidhi; “Waa Shirarka is-daba-joogga ah, Safarrada badan ee aannu ku jirno iyo hawlo badan oo aannu ku jirno ayaa dib u dhigay hawshaasi (Wadahadalladii Somaliland iyo Soomaaliya), dhakhsana wuu u dhacayaa insha Allaah.”

Wasiir Foosiya oo la weydiiyay inay aamminsan tahay Midnimada Soomaaliya, ayaa ku jawaabtay; “Midnimada Soomaaliya inaan aamminsanahay waxa caddaynaysa halkaan joogo, Somaliland-na Xisbi waan ku lahaa, laba jeerna inaan Madaxwayne ka noqdo ayaan isku-soo taagay. Laakiin, ma dhicin oo wax aan calaf lagu lahayn ayay ahayd. Laakiin, inaan Midnimada Soomaaliya aamminsanahay waxa caddaynaysa Wasiirka khaarajiga ee aan ahay, weliba Wasiiru-khaarajiya keliya ma ihi ee Raysal-wasaare ku-xigeen ayaan ahay.”

“Waxaan rejaynayaa in ummadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba garato in midnimadu awood tahay,  caalamkuna isku soo ururayo, qof walbana isaga oo xaqiisii leh oo wuxuu doonayo oo uu ku faraxsan yahay haysta haddana in midnimada guud la ilaaliyo.” Sidaa ayey tidhi Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.