Madaxweyne Siilaanyo oo Safar Cirka ah ku tegay magaaladda Berbera

 Berbera(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wefti uu hoggaaminayo oo isugu jira wasiiro iyo taliyeyaasha ciidamadda ilaalada xeebaha iyo  booliska iyo marwada Madaxweynaha Aamina-waeris ,ayaa safar dhanka cirka ah ku tegay magaalo xeebeedda Berbera isagoo Madaxweynuhu halkaa u tegay ka qayb galka xidhitaanka tabobar muddo u socday ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland oo ay siinayeen saraakiil millatari oo u dhashay dalka ingiriiska.