Dhalinyaro Tahriibtay Oo Masuuliyiin Somaliland Ka Tirsan Uga Warramay Dhibaatooyin Ay La Kulmeen

Boorama(Aftahannews):- Wefti  Wasiirro ah oo ku sugan magaalada Boorama, ayaa habeen-hore kulanno la yeeshay dhalinyarada kala duwan ee magaaladaas, Waalidiinta iyo Ardayda Jaamacadda Eelo ee Boorama, kulannadaas oo ay goob-joog ka ahaayeen, Badhasaabka Gobolka Awdal, Maayerka iyo Xildhibaanada golaha deegaanka Boorama, ayay ujeeddadoodu ahayd xog-urursi ku aaddan dhinaca Tahriibta iyo Wacyigalin ku aaddan sidii dhalinta looga baajin lahaa Masiibada tahriibta.

Kulanka ka dhacay Hoteel Mana-Guest House ee Boorama, ayaa waxa si gaar ah uga qaybgalay dhalinyaro ka soo laabtay Xeeligga Badaha Waqooyiga Afriga ka dib markii ay ku soo guul-darraysteen Safarkaas tahriibta ah, waxaana dhalintaasi ay ka sheekeeyeen masiibada tahriibta iyo dhibaatooyinkii ay kala kulmeen, waxaana ay dhallinta u tilmaameen in Safarkaasi uu yahay mid aad u adag, waxana ay dhallinta ka waaniyeen Tahriibta.

Qaar ka mid ah Waalidka ay Carruurtoodu tahriibeen oo iyaguna madashaasi ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in ay aad uga xun yihiin in carruurtooda iyo carruurta kale ee reer Somaliland ay Tahriibaan, Hooyo ka hadlaysa waxa ay waalid ahaan dareemayso ayaa waxa ay tidhi; “Waa run oo waxa aan dareemayay waxa ay waalid ilmihiisa jeceli dareemaan, habeen iyo maalin waxa ay ii ahayd isku mid, waxana wali I sii damqanaysa meeshii I qoomantay maalintii uu ilmahaygu tahriibay, qarash aad u badan iyolacag amaah ah oo aanan wali bixinna waa la igu leeyahay, waa masiibo, dhabar jab ku ah waalidka, waxase ka sii daran in wiilashii iyo gabdhihii dalkan wax u bartay ee tahriibay aanay wali gaadhin meelna oo ay dhexda ku cadilan yihiin, marka ay soo hadlaana waxa ay kuu sheegayaan in la dilayo, oo la jidhdilayo, naftana laga qaadi doono dhawaan hadii aanan laga soo bixin lacag madax furasho ah, waa masiibo qaran oo u baahan in la dareemo xanuunkeeda oo laga barto casharo.”

Wafdigan ayaa waxa kale oo ay la kulmeen ardayda Jaamacada Eelo wax ka barata halkaasi oo ay ka gaarsiiyeen fariimaha wacyigalinta ah ee ku aadan xakamaynta Tahriibta, Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda Eelo Mudane Khadar Cabdi Khayre oo isagu halkaasi ka hadlay ayaa xusay in Tahriibtu ay caqabad ku tahay hanaanka waxbarasho ee dalka, waxana uu yidhi; “Ardaygii wax baranayay marka uu Tahriibo ee uu waxbarashadii dhexda kaga tago ama ay ardaydii dugsiyada sare ka soo baxday ay tahariibto, waa masiibo balaadhan, waxa aan ka jaamacad ahaan ku dadaalnaa in aan soo bulshada xidhiidh sokeeye la yeelano oo aan kordhino kulamada wacyigalinta tahriibta ah, sidoo kale waxa aan xil balaadhan iska saarnaa shaqo abuurka dhalinta si dhalinta Jaamacada Eelo ka soo baxday ee shaqaysaa ay astaan ugu noqoto dhalinta kale ee tahriibaysa, waana hubaal in aan dareensanahay in talaabooyinkaasi aan qaadnay ama noo qorshaysan ay wax yar uun ka tarayaan joojinta dhalinta iyo xakamo u helida mashaqada Tahriibta.”

Badhasaabka Gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayar iyo Maayarka Magaalada Boorma Saleebaan Xasan Xadi oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa ay ka marag kaceen in gobolka Awdal iyo Magaalada Booramaba ay ka mid yihiin meelaha ay masiibada tahriibtu sida wayn u saamaysay dhalinta, waxana ay ka codsadeen dhalinta kale ee jaamacadaha wax ka baratay iyo kuwa waayo araga u ah tahriibtaba in looga baahan yahay in ay dhalinta kale ee tahriibaysa wacyigaliyaan, kana baajiyaan safarkaasi haligaada nafta ah ee Tahriibta loogu magaca daray.

Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdiwaaxid Cabdiqaadir oo isaguna halkaasi ka hadalay ayaa waxa uu yidhi; “Tahriibtu waa hubaal inay dhibaato badan u keentay tahriibtu dhalinyarada dalkeena, hadii ay shaqo la’aantu tahay faraca Tahriibta xukuumadu maanta waxa ay shaqaalaysiisay 13kun in kabadan oo shaqaale ah oo dhalinyaro u badan, sanadka cusubna waxa u qorshaysan inay shaqo abuur badan iyo shaqaalaysiin samayso, sidaasi aawadeed waa arin waajib ah in aan wax ka barano dhibaatada qaran ee Tahriibta ee na haysata, waxa aan u baahanahay in qof walba iyo qoys walba iyo guud ahaan qarankuba aan ogsoonaano in Tahriibtu ay naafaysay nolosheenii iyo dadnimadeenii, loona baahan yahay inaan ka qaadano go’aan kama dambayn ah oo heer qaran ah oo lagula tacaalayo masiibadaasi hoosta naga soo gashay.”

Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Mudane Cali Siciid Raygal oo isaguna ka hadalay halaasi ayaa waano dheer u jeediyay dhalinta waxana uu hoga tusaaleeyay in wadamada reer galbeedka ah ee loo tahriibayaa ay dadkoodu u tashadeen isla markaana ay wax ka dhigeen, sidoo kalena loo baahan yahay in muruqa dhalinteena aanay dalal kale ka faaiidaysan ee aynu uga faaiidayno dalkeena waxana uu yidhi “Ma aha shaqo la’aan wax laga tahriibayaa, bal u fiirso, marka uu qofku tahriibo waxa laga daba gaynayaa lacag aad u badan oo naftiisa lagu badbaadinayo, hadii Tahriibta meesha ka saarno, waa hubaal in lacagtaasi ay dib u gali lahayd dalkeena isla markaana ay shaqo abuurka qayb ka noqon lahayd.”

Isaga oo hadalka sii wata waxa uu yidhi Wasiir Raygal “Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland waa arkay in Tahriibtu tahay Aafo Qaran oo cid walba taabatay, waxa uu u magacaabay gudi ka soo talo bixiya xal u helida mushkiladaasi, gudidaasi waxa ay safari ku kala gaalaabixinayaan gobolada dalka Somaliland, waxa la isku keeni doonaa xog balaadhan oo sal u noqota sidii mushkiladaasi looga soo saari lahaa xal loo dhan yahay oo waara oo wax ka tara xidido u siibida mushkiladan Tahriibta, sidaasi aawadeed fariinta aan reer Boorama soo gaarsiinayno waxa ay tahay maanta in xukuumadu ay go’aansatay in tahriibta si xoogan loola dagaalamo oo la badbaadiyo dhalinta, sidaasi darted, reer Awdaloow u diyaar garooba sidii dhalinteena oo ah labeentii dalkeena loo badbaadin lahaa, loogana wacyigalin lahaa inay Tahriibta ka dhawrsadaan, qaran ahaana aan dib ugu dawayn lahayn nabadarda ay tahriibtu u gaysatay bulshadeena.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.