Baarlamaanka Soomaaliya oo isugu imanaya kulan ay ku kala saarayaan Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha

Muqdisho(Afatahannews):- Xildhiaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee fasaxaku maqan,ayaa looga yeedhay gudaha magaalada Muqdisho si ay u kala saaraan Madaxweynaha io Raysal-wasaaraha Soomaaliya oo uu ka dhex oogan yahay khilaafkii ugu weynaa.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya  Prof.Jawaari ,ayaa xildhibaanadda Soomaaliya ugu baaqay inay dhex dhexaad ka noqdaan isla maraana si cadaalad ah u kala saaraan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal-wasaare Cabdi  Faarax Shirdoon(Saacid) isla markaana ay badbaadiyaan Qarannimadda Soomaaliya.

Wararka laga helayo Madaxtooyada Soomaaliya,ayaa intaa ku daraya in Madaxweynaha Soomaaliya uu ka aqbalay Prof,Jawaari  in isaga iyo Raysal-wasaaraha ay baarlamaanku kala saaraan isla markaana lagu kala baxo fadhi aan caadi ahayn oo la isugu yeedho baarlanaaka Soomaaliya.

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland.