Madaxweyne Xasan iyo Raysal-wasaare Saacid oo looga yeedhay Uganda ka dib markii ay heshiin waayeen

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysalwasaarihiisa Cabdi Faarax Shirdoon(Saacid),ayaa looga yeedhay dalka Uganda ka dib markii ay xal ka gaadhi waayeen khilaafka soo kala dhex galay ee uu Madaxweynuhuna uu ku adkaystay inuu is casilo Raysal-wasaare Saacid oo isna ku gacan saydhay soo jeedinta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Warar soo baxaya Madaxtooyada Soomaaliya ,ayaa sheegaya in Raysal-wasaare Saacid iyo Madaxweyne Xassan Sheekh ay ku wajahan yihiin dalka Uganda,ka dib markii toos loogu yeedhay si loo soo aj jaro khilaafka labada masuul.
Ilo wareedyo Madaxtooyada ku sugan ,ayaa waxay xaqiijiyeen in socdaalkani ay masuuliyiintu ugu anba baxayaan dalka Uganda saacadaha soo socda si murankooda dhinac loogu rido
Safarkan labada masuul ay ugu anbabaxayaan Uganda ayaa waxa uu yimid kadib dalab ka yimid dowlada Uganda oo leh ciidanka ugu badan ee dalka Soomaaliya nabad ilaalinta u jooga, waxaana la filayaa in labada masuul oo kala raaci doona laba diyaaradood la isugu keeno halkii lagu soo kala saaaray Sheekh Shariif iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo markii ay dhamaysan kari waayeen khilaaf siyaasadeed oo soo ka dhe qarxay.
Aftahannews.com
Hargeysa Somaliland