Golaha Wakiilada : “Dhibane Kama Nihin Eedaymaha Loo Jeediyey Wariye Cabdi Maalik Coldoon….”

Hargeysa (Aftahannews)- Golaha wakiilada Somaliland, ayaa iska fogeeyay mid kamid ah qodobada lagu soo eedeeyay Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo sheegaya in aqalka golaha wakiiladu uu ka mid yahay dhibanayaasha soo dacweeyay Coldoon.


Xildhibaan Axmed Khaliif Jamac, ayaa warbaahinta u akhriyay warqad galaha kasoo baxday, isagoo sheegay in goluhu aanu wax lug ah ku lahay eedaha loo haysto.