Beesha Caalamka oo War ka Soo Saartay Boobka Doorashada Soomaaliya

Beesha Caalamka ee ka Hadashay doorashada Soomaaliya 20210
Beesha Caalamka ee ka Hadashay doorashada Soomaaliya 20210
Muqdisho (aftahannews):- Beesha Caalamka ee taageerta Soomaaliya, ayaa ka hadashay walaaca laga muujiyay habsami u socodka doorashada golaha Shacabka iyo cabashada laga muujinayo doorashooyinka, isla markaana waxay ku baaqeen in doorashadu ay noqoto mid daahfuran oo ay ku kalsoonaan karaan dhammaan daneeyayaasha doorashada iyo shacabka Soomaaliyeedba.
Beesha Caalamka ee ka Hadashay doorashada Soomaaliya 20210
Beesha Caalamka ee ka Hadashay doorashada Soomaaliya 20210

War qoraala ah oo ay wadajir u soo saareen dalalka Beesha Caalamka ee taageerada siiya dowladda Soomaaliya Jimcihii maanta, ayey ku sheegeen in loo baahan yahay in si hufan oo lagu wada qanacsan yahay loo qabto doorashada golaha Shacabka oo cabasho badan laga muujiyay habka loo bilaabay.

“Waxaan ku baaqaynaa in daah-furnaan buuxda loo sameeyo dhammaan geeddi-socodyada la xidhiidhka, oo ay ku jiraan magacaabista guddiga soo xulista, xulasta ergada, diiwaangelinta musharraxiinta, kuraas u xidhista Haweenka Musharraxiinta ah, si loogu hoggaansamo qoondada boqolkiiba 30 ee lagu heshiiyey, iyo maareynta lacagaha musharraxiinta.” Sidaa ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeedka Beesha Caalamka.
Warsaxaafadeedka Beesha Caalamku soo saartay, waxa uu intaas ku daray oo lagu yidhi; “Waxa aanu sidoo kale ugu baaqaynaa guddiyada doorashada inay fududeeyaan korjoogeynta dhammaan hawlaha goobaha cod bixinta.”

Beesha Caalamka, ayaa sidoo kale ugu baaqday howlwadeennada doorashada iney tixgaliyaan xaqa Musharraxiintu ay u leeyihiin iney isku soo taagaan iney tartamaan oo ay doorashada ka qeybgalaan.

“Waxaan ku baaqaynaa in la tix geliyo xaqa ay musharixiinta u leeyihiin in ay isu soo taagaan doorashada iyadoo la marayo jawi ku dhisan tartan dhab ah oo xalaal ah” ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeedka kasoo baxay Beesha Caalamka.

Warsaxafadeedka kasoo baxay beesha Caalamka, ayaa imanaya xili ay sii kordhayaan walaaca iyo cabashada laga muujinayo hannaanka ay ku socoto doorashada Golaha Shacabka oo la sheegayo iney tahay mid aanan daah furneen, isla markaana dowladda lagu eedeeyey inay si badheedh ah u boobayso Kuraasta oo Musharraxiinta ay rabto uun ku soo saarayso, kuwa kalena la qalin -daarayo.

Aftahannews.com
Muqdisho/Soomaaliya.