Wasiir Ka Tirsanaa Maamul-goboleedka Gal-Mudug Oo Ku Geeriyooday Hargeysa

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirkii Caddaaladda Maamulka Galmudug, Sheekh Xijaas Macallin Maxamed, ayaa Khamiistii xanuun awgiis ugu geeriyooday magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, ka dib markii Waqtigu kula kulmay isaga oo ku jira safar Caafimaad oo dibedda ugu socday.

Geerida Wasiirka ayaa la sheegay inay ahayd mid kadis ah, isagoo kusii socda dalka Itoobiya, halkaasoo uu ugu socday inuu iskaga soo daweeyo xanuun dhinaca Wadnaha oo xilliyadii dambe hayay.

Sida lagu baahiyey Shabakadda wararka ee Hiiraan, Meydka Wasiirka ayaa la qorsheeyey in loo qaadayo magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, si halkaas loogu aaso.

“Xilliyadii ugu dambeeyay marxuumku wuxuu ka xanuunsanaa wadnaha, si lama filaan ah ayuuna ugu geeriyooday shalay magaalada Hargeysa.” ayuu yidhi Mas’uul ka tirsan Maamulka Galmudug oo warbaahinta la hadlay.

Sidoo kale, Mas’uulka ayaa sheegay in hadda ay qaban-qaabo ugu jiraan sidii loo aasi lahaa Maydka Wasiirkii hore ee Caddaaladda Galmudug, iyadoo Mas’uuliyiinta Galmudug oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Ku-xigeenka ay ku jiraan Diyaargarowga aaska.

Maamulka Galmudug ayaa wuxuu ka mid yahay Maamullada taageersan dowladda Soomaaliya, waxaana Maamulkan oo la dhisay shan sano ka hor uu ka taliyaa deegaanno ka tirsan gobollada Mudug iyo Galguduud.

Wasiirkii hore ee Caddaaladda Galmudug ayaa wuxuu noqonayaa mas’uulkii ugu horreeyay oo ka tirsan maamulkaas ee ku geeriyooda meel ka baxsan deegaannada uu Maamulkaas ka taliyo.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.