Guddoomiye Jawaari oo sheegay inay sharciga ku xallin doonaan khilaafka Madaxwaynaha iyo Raysal-wasaaraha

Muqdisho(Aftahannews):- Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa sheegay inay khilaafka Madaxwaynaha iyo Raysal-wasaaraha Soomaaliya ka dhex curtay hadday dhamaysan waayaan isla markaana waan waan laga dhex wadaa shaqayn waydo inay sharciga ku kala saari doonaan, isla markaana arrintooda la hor keeni doono golaha shacabka.

Ugu horrayn Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlayay shir jaraa,id oo uu maanta xafiiskiisa ku qabtay ayaa hadaliisa ku bilaabay sidan..

“Ugu horeyn waxaan rabaa inaan u jeediyo Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka inaan ku adkeeyo ama uga digo in arimaha khilaafaadka siyaasiga ee laanta fulinta ka jira aysan u ololeyn ama Warbaahinta uga hadlin taasi oo aan ula jeedo hadii khilaafaad siyaasi ah ay yimaadaan oo Madaxda dalka dhexdeeda uu khilaafaad siyaasi ah soo kala dhexgalo hor iyo horaan waxa weeye odayaal baa la yahay oo walaga fariisanayaa,waa laga wada hadlayaa, waana la xalinayaa, hadii ay taasi dhici weyso waxey usoo biyo shubaneysaa in Golaha Shacabka ay timaado maadaama ay taasi tahay mas’uuliyadda Baarlamaanka loo sameeyey in arimahan oo kale go’aan uu ka gaaro.”

Waxaani intaa ku daray Guddoomiye Jawaari;  “Arrinta Labaad ee aan doonayo inaan ka hadlo waxey tahay Xukuumaddu weey noo shaqeyneysaa, adeegga shacbiga loo hayana wuu socdaa,wax xumaanaya haba yaraatee ma jirto sidaas darteed waxaan shacbiga Soomaaliyeed ka codsanayaa iney kalsoonidooda qabaan,mahad Alle ayaa leh maanta waxaan leenahay Gole Shacbi oo shaqeynaya oo u duuban hogaaminta siyaasadda dalka iyo maareynta dhibaato kasta oo timaada,qof ahaan aadbaan ugu kalsoonahay in Golahan Shacabka ay aqoon iyo karti buuxda u leeyihiin iney xaliyaan mushkilad kasta oo timaada,shacabkana waxaan ka codsanayaa iney ku kalsoonaadaan.”ayuu hadalkiisa raaciyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Guddoomiye Jawaari oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi; “Arrinta ugu dambeysa waxaan u jeedinayaa Warbaahinta iyo Saxafiyiinta,dadka saxafiyiinta ee warbaahinta ku shaqeynaya dhammaan waxaan xusuusinayaa in qalinka iyo qalabka aad ku shaqeyneysaan uu idiinku yahay Allena idinkula xisaabtamayo,arin fiican ma ahan inaad buun buunisaan waxaanan jirin ama kuturukuteen ah oo aan loo baahneyn aad umadda ku jahwareerisaan, mas’uuliyad ayaa ku saaran, muwaadinbaad tahay oo dalkan mas’uuliyad ayaa ka saaran fadlan ha noqonina kuwo qasaaro ku shoob ah oo noqda kuwo hormarka ku faana,Mahadsandiin.”

Aftahannews.com 

Hargeysa Somaliland