Xukuumadda Somaliland Oo Gobolka Sanaag Ka Bilowday Raafka Dadka Ka Soo Jeeda Soomaaliya

Hargeysa, (Aftahannews)-Ciidamada Booliiska Somaliland ee gobolka Sanaag, ayaa bilaabay howlgalo ay ku qab qabanayaan dadka aan Somaliland u dhalan ee gobolka ku dhaqan, khaasatan dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya, iyadoo ay shalay ku ekayd mudadii ay xukuumada Somaliland u qabatay in dadkaasi gobolka kaga baxaan.