53 Sanno Markii Ugu Horraysay Oo Maamulka Puntland Loo Dareeray Doorasho Qof Iyo Cod Ah

Garoowe (Aftahannews)-Puntlland, waxaa maanta ka billowday doorashooyin dadweynuhu ay codkoodu wax ku dooranayaan markii ugu horraysay 53 sanon kadib, sida  uu sheegay guddiga doorashooyinka Puntland.

Doorashadan oo ka dhacaysa saddex degmo oo kala ah, Eyl, Qardho iyo Ufayn ayaa waxaa ku tartamaya siddeeda urur siyaasadeed, kuwaas oo ku loolamaya doorashooyinka xildhibaannada golaha deegaanka (Dowladdaha hoose)

In ka badan 37 kun oo codbixiyaal ah ayaa safaf dhaadheer u galay in ay codkooda dhiibtaan, iyadoo aad loo adkeeyay ammaanka deegaannadu doorashooyinka ka dhacayaan, sidoo kale goob joogayaal caalami ah ayaa isha ku haya doorashada.

Degmada Qardho waxaa codkooda ka dhiiban doona 20,620 qof halka degmada Eyl-na ay codkooda ka dhiiban doonaan 8,671 qof Degmada Ufeyn ayaa sidoo kale laga diiwaangeliyay codbixiyayaal gaadhaya 8,287 qof.

Madaxweynaha Puntland ayaa kamid ah dadka saakay ka qeyb qaadanaya coddaynta doorashada isagoo u ololaynaya in ururkiisa Kaah uu ku guulaysto cod bixinta.
Qaar kamid ah ururada siyaasada ayaa goor horeba jeediyay dhalleecayn ku aadan habka doorashadu u socoto, iyagoo sheegay in ay jiraan dad kaararka laga arursaday iyo kuwo loogu hanjabay in ay si khasab ah ku coddeeyaan.

Doorashada ayaa socon doonta illaa lixda maqribnimo ee caawa fiidkii, iyadoo wixii intaas ka dambeeyaa loo diyaar garoobayo tirinta codadka iyo ku dhawaaqis natiijada.