Xisbiga Waddani Muxuu Ka Yidhi Amarka Xukuumadu Ku Dhintay Safarada Shirkadaha Diyaaradaha Qaarkood

Hargeysa, (Aftahannews)-Xisbiga Waddani, ayaa xukuumada Somaliland ku eedeyay in ay u dhintay safarada shirkadaha qaarkood sida Flydubai, Airarabia iyo Daallo, si loo naas nuujiyo shirkado kale oo qoyska madaxweyne Biixi wakiil kayahay.

Xogeeyaha ganacsiga, dalxiiska iyo warshadaha ee xisbiga Waddani Xamse Khayre, oo xarunta guud ee xisbiga warbaahinta kula hadlay, ayaa shirkado aanu carabaabin ku eedeeyay in dartood loo dhimay safarada Flydubai iyo shirkadaha kale, isagoo sheegay in ay mudantahay in la dabaqo Dastuurka Somaliland oo amraya ganacsiga xorta ah”Waxaanu aaminsanahay in dalkan Dastuurka Somaliland lagu dhaqo, dastuurkuna ganacsiga xor ayuu ka dhigay, Waddani halkaasu taaganyahay. Arrintani waa arrin la xidhiidha tartan, waxaa jira shirkado kale oo qoyska madaxweynuhu ay wakiil ka yihiin, oo aanu qabno in kuwaa loo xaglinayo, arrintaasi oo aanu aad u cambaaraynayno” ayuu yidhi Xamse Khayre.

Xamse Khayre ayaa dhinaca kale, ku andacooday in Dastuurka Somaliland uu gabi ahaanba mamnuucay in madaxweynaha talada haya iyo qoyskiisu ku lug yeeshan ganacsi gaar.

“Dastuurka Somaliland wuxuu qoyska madaxweynaha ka mamnuucay in ay ku lug yeeshan ganacsi gaar ah, sidaa dastuurku markuu lahaa wuxu ka hadlayay tan oo kale in ay dhici karto wanay dhacday, waxaanu aaminsanahay suuqu in uu xoryahay, in shirkadaha loo daayo suuqa oo ay tartamaan, arrintaasi waxay faa’iido ugu jirtaa dadweynaha Somaliland” ayuu yidhi Xamse Khayre.

Inkasta oo HOL anay si madaxbannaan u xaqiijin in qoyska madaxweynaha Somaliland ay wakiil ka yihiin shirkad diyaaradeed oo gaar ah, wararka qaar ayaa sheegaya in mid kamid ah wiilasha madaxweyne Biixi uu wakiil ka yahay shirkada Ethiopian Airline, oo ah tan safarada ugu badan ku timaada Hargaysa, isla markaana aan wax dhimis ah lagu samayn safaradeeda.